Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland Oo Walaac ka Muujiyey Xukunada Dhalinyaradda Lagu Rido

0
Monday February 09, 2015 - 16:15:04 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland Oo Walaac ka Muujiyey Xukunada Dhalinyaradda Lagu Rido

    Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaabka dhalinyaradan loo maxkamadeeyay iyo xukunada lagu riday dhamaantood ay lid ku yihiin xuquuqda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaabka dhalinyaradan loo maxkamadeeyay iyo xukunada lagu riday dhamaantood ay lid ku yihiin xuquuqda


Xukunada Ciqaabta Xadhiga Adag ah ee shalay ay bilowday Maxkamada Gobolka Maroodijeex in ay ku xukunto dhalinyarada Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo Booliska Somaliland ku soo eedeeyo falal amaandaro Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaar lid ku ah Mabaadii’da Cadaaladda iyo dhexnimadii garsoorka dalkeena.

7 Feb. 2015 ayay Maxkamada Gobolka Maroodijeex ku xukuntay dhalinyaro tiradoodu kor u dhaafayso 50 xubnood ciqaab xadhig oo u dhaxaysa Shan bilood ilaa Hal Sano oo Xadhiga Adag ah, dhalinyaradaasi oo Hay’adaha sharcifulinta Somaliland ku soo eedeeyeen in ay xiliyada habeenkii ka sameeyaan caasimada falal amaandaro.

 

Sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha sarsare ee Booliska iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland waxa

dhalinyarada la xukumo lagu xidhi doonaa xabsiyo aad uga fog deegaada ay ku nool yihiin waalidkood, si aanay waalidku u awoodin in ay xabsiga dhexdiisa ku quudiyaan ama si joogto ah ugu booqdaan caruurtooda, isla markaasina dhalinta la xukumaa u dareento xabsi adag oo kulul.

Difaacayaasha iyo Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan qaabka dhalinyaradan loo maxkamadeeyay iyo xukunada lagu riday dhamaantood ay lid ku yihiin xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee Aadamaha ee uu damaano qaaday dastuurka Somaliland iyo Aaladaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamigu.

Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland markii ay ku fashilmeen hawshii ay qaranka u hayeen ee dhinaca Amaanka, ka dib markii ay waxba ka qaban kari waayeen musuqmaasuqa naafeeyay hay’adaha sharcifulinta Somaliland gaar ahaan Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Dambi Oogayaasha, ay taasi sababtay in Magaalooyinka waawayn ee Somaliland hoy u noqdaan xadi aad u farobadan oo ah Maandooriyayaasha gaar ahaan noocyada xashiishadaha khatarta ah iyo Khamriga, taasi oo marka lagu daro iyadoo aanu dalka ka jirin goobo ay dhalinyarada Somaliland kaga fakadaan balwadaha xunxun sida garoomo ciyaareed, Golayaal Madadaalo, iyo Maktabado keentay in dhalinyarada dalku in ay isticmaalaan ka ganacsadaan oo meherad ka dhigtaan mukhaadaraadka xashiishada iyo khamriga.

Dhalinyaradan xukunada cadaalada ka baxsan lagu riday ayaa isugu jira ardayda dhigata Jaamacadaha iyo Dugsiyada Aasaasiga ah ito qaar da’doodu ka yar tahay qaangaadh iyadoo Taliska Guud ee Boolisku sheegeen in da’yarta la xukumo la gayn doono xabsiyo ka fog magaalooyinka ay degan yihiin waalidkood.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa u aqoonsaday in Xukunadani la mid yihiin kuwii ay sooy saari jireen Gudiyadii Nabadgalyada Degmooyinka iyo Gobolada Somaliland oo adeegsan jiray Xeerkii Public Order Law ama Xeerka Xukunka Degdega ah ee Nabadgalyada Guud. Xeerkaasi iyo Gudiyadaasi isticmaali jiray ayaa Madaxwayne Siilaanyo wax yar kadib markii uu talada dalka la wareegay July 2010 uu digreeto madaxwayne ku tirtiray.

Dayarta dalka oo masuuliyiinta D/Hoose iyo kuwa xukhumada Dhexe ay si shaqsi ah ugu tagrifaleen Garoimadii iyo dhulkii Danta Guud ee dhinyarada looga samahn lahaa goobo ay ku madadaashaan ama Maktabado ay aqoon ka korodhsadaan.

Tani iyo markii uu qabtay talada dalka Somaliland xisbiga KULMIYE lama arag hal askari oo boolis ah oo la waydiiyay ama cadaalada lagu hor geeyay dambi uu muwaadiniinta ka galay ama tacadi uu gaystay, macquulna maaha Booliska iyo Sharcifulinta Somaliland waa Ceeb ka saliim.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin in waxan haatan lagu ciqaabayo Da’yarta Somaliland ay qayb wayn ku leeyhiiin hay’adihii Sharcifulinta ee u xilsaaraa amaanka oo uu dishooday Musuqmaasuq meelo yaxyaxle maraya.

Musuqmaasuqa Booliska Somaliland naafeeyay wuxuu sababay in 70% dacwadaha ka soo bilaabma Saldhigayada Booliska dalku ay Saldhiga iyo dambibaadhayaasha jooga gacmahooda ay kaga leexdaan cadaaladii.

Waxa hubaal ah oo u doodayaasha xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee Somaliland ka warqabaan in kor u kaca xadiga soo gala dalka mukhaataraadka halista ah ee Xashiishada loo nuugo sida buuriga iyo kuwa dareeraha la cabo lagu darsado iyo Khamriga oo si xad dhaaf ah u dalkeena ay sababta koowaad keenaan Musuqa xadhkaha gooystay ee Booliskeena dhex miranaya. Iyadoo dambibaadhayaasha iyo saraakiisha Booliskeena iyo ciidankeena xabsiyadu qabatimeen kuna walfeen isticmaalka balwada geedka KADABGOOYE ee Qaadka ama Jaadka ayaa maanta sababtay in cadaalad darada ka taagan saldhigyada Booliskeenu ka xumaato tii Siyaad Barre aynu kula dagaalanay.

Ururada u Dooda Xoriyadaha Dastuuriga ah ee muwaadiniinta waxay ka walaacsan yihiin Xadgudubyada ku talogalka u eeg ee Xukuumada Somaliland ay ku qaaday da’yarta dalka, waxana aanu leenahay Xadhig iyo Xabsi Adag oo Ubadka laga fageeyo waalidkood xal maaha.

Waxanu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha Qaranka Mud. Siilaanyo in uu dib u haybayn balaadhan ku sameeyo hay’adaha sharcifulinta waxan haboon in khabiiro caalami ah oo aqoon fiican u leh la tacaalida dabmiyada abaabulan ee xuduudaha isaga gudba, aqoon durugsana u leh la dagaalanka argagixisada dhiiga qabow, iyo abuurida boolis dadku la xisaabtami karaan uu dunida ka soo kiraysto

Suleiman Ismail Bolaleh

AFHAYEENKA URURADA XUQUUQDA AADAMIGA SOMALILAND


contact@afkashacabka.com