Maayarka Burco iyo Kuxigeenkiisa oo fadeexad iyo sharaf darro tii u xumayd u soo jiiday Madaxweyne Siilanyo, waddo uu madaxwenuhu xadhiga ka jaray 4 maalmood ka hor oo dib loo bilaabay

0
Tuesday March 25, 2014 - 08:22:40 in by Super Admin
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Burco iyo Kuxigeenkiisa oo fadeexad iyo sharaf darro tii u xumayd u soo jiiday Madaxweyne Siilanyo, waddo uu madaxwenuhu xadhiga ka jaray 4 maalmood ka hor oo dib loo bilaabay

    iyo Shacabka reer Burco oo ka qayliyey waddooyinka Boobsiiska ah ee madaxweynaha la isku tuso kadibna laga daba bilaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Shacabka reer Burco oo ka qayliyey waddooyinka Boobsiiska ah ee madaxweynaha la isku tuso kadibna laga daba bilaabo

Maayarka Burco iyo Kuxigeenkiisa oo fadeexad iyo sharaf darro tii u xumayd u soo jiiday Madaxweyne Siilanyo, waddo uu madaxwenuhu xadhiga ka jaray 4 maalmood ka hor oo dib loo bilaabay 


Fadeexad tii ugu xumayad ayaa hadhaysay Dawladda hoose ee Degmada Burco kadib markii labadii maalmood ee u danbeeyey ba dib u habayn iyo dib udhis lagu samaynayey waddo dhowaan madaxweynaha JSL axmed siilaanyo uu xadhiga ka jaray isla markaasn uu kormeer ku sameeyey bilow illaa dhammaad waddadaas.


Maayarka Burco Maxmed Muraad iyo kuxigeenkiisa Mr. Xoday ayaa iyagu Noqday masuliyiin aan dadkii soo dortay iyo shacabka degmada Burco wax ugu qaban si daacad ah isla markaasna, waxqabadkoodii noqday (Waxba ha u qabane Qawda maqashii) iyagoo marka madaxweynuhu imanayo had iyo jeer Boobsiis iyo ka gaadhsiis ku booba waddooyin bilow ahoo markaas ay bilaabeen oo haddii la doonayo inay tayo yeelato qadan lahayd muddo bilo ah.


Haddaba Waddada Baarsiigo oo ahayd waddo 1km ah ayaa xidhnayd muddo ku dhow 3 bilood oo inta ciidii laga qaaday carrakawaana la dhigay halkaas lagu joojiyey, iyadoo baaburta iyo dadkuba mari jireen waddadaas oo qabyo ah, waxaana madaxweyne siilaanyo markii safarkiisa xeebaha Somaliland uu bilaabayba dawladda hoose ee ay hogamiyaan maayar Muraad iyo Xoday Bilaabeen inay boobsiiyaan waddadaas muddada badan la iska marayey ee inta la is yidhi dhisa hakadka la geliyey, taaso ay damceen inay muddo todobaad ku dhameeyaan, maadaam todaab kadib madaxweynuhu ku soo beegnaa gobolka Togdheer.


Xildhibaanada Golaha degaanka Burco ayaa iyaguna ku kala aragti duwanaa Boobsiinta lagu waday waddadan, waxana intooda badan u muuqday inaanay suurogal ahayn in madaxweynuhu xadhiga ka jaro oo lagu ceebeeyo waddada aan dhammaystirnayn.


Madaxweyne Siilaanyo oo an laga soo hibin waddadaas inay tahay mid la furi kari iyo in kale aya maqaska ku boobay isla markaasna dul maray, waxana markii uu dul maray markiiba ogaaday in meeshu tahay Banaan Jay lagu daadiyey, kadib markii Jaygii iyo dhagaxantii Baabuurtii uu watay murayadda danbe ka garaaceen, iyadoo sidoo kale uu arkay baabuurta ka horeysa oo qarkood jaygiiba meesha ka qadeen oo dhulkii hoose soo baxay.


Waxana markiiba madaxweynuhu sida la sheegay uu cadho is geliyey wajiga iyadoo uu canaana diir ka kaga siibay maayarka Burco una aqoonsaday maayar aan karaamada madaxweynaha ilaalin oo u horseeday in wax aan waddo lagu sheegi Karin uu xadhiga ka jaro.


Madaxweynaha oo ay horyaaleen mashaariic kale oo dawlada hoose hirgelin doonto iyo waddooyin ay dhisi doonto inu u soo dhagax dhigo ayaa halkaasi kaga biyo diiday inu wax danbe udhagax dhigo maayarka iyo kuxigeenkiisa aan sharaftii madaxweynaha ilaalin.


Waxana maayar muraad iyo kuxigeenkiis arrinkani ku noqday weji gabax xooggan oo ay kala kulmeen Boobsiintii waddada aan tayaysnayn ee inta badan xildhibaanada qaar ka mid ahi ka qaylinayeen.


Waddadii oo inta badan xildhibaanada iyo Bulshada reer Burco ba u muuqatay inay qabyo tahay oo anay dhammaystirnayn madaxweynaha na lagu luggooyey ayaa shalay dib loo bilaabay, kadib markii Jaygii meesha lagu daadiyey kala yaacay, waxaana daamurkii loogu talo galay Waddada in tiisii badnayd yaallaa Dawlada hoose iyo goobtii dhismaha waddada hawsheedu ka socotay.


Maayarka iyo kuxigeenkiisa ayaa mar kale sharaftii madaxweynaha dhulka dhigay kadib markii waddo madaxweynuhu 5 maalmood ka hor xadhiga ka jaray ay dib ubilaabeen dhismaheeda, taasoo loo fasiran karo in madaxweynuhu waddo qabyo ah xadhiga ka jaray, mashaariicda kale ee uu xadhiga ka jaraana ay noqon karaan sidan oo kale kuwo qabyo ah, maadam bulshada joogta badankoodu xattaa anay wada ogeyn meelaha madaxweynuhu xadhiga ka jarayo.


Bulshada reer Burco ee codkooda ku soo dooratay Maayarka iyo kuxigeenkiisa iyo 19ka kale ee xildhibaan ayaa si weyn uga biyo diidan hab maamulka labadan masuul waxana laga cabsi qabaa inay dhacdo kacdoon dhowaan ay bulshada reer burco ka sameeyaan labadan masuul, maadaam shaqadoodiiba noqotay istusnimo iyo iga gee wax la yidhaa, waxana xildhibaanada aadka loo hadal hayo ee ay bulshadu sida weyn ugu heelantahay inay wax ka arkaan hogaamintooda suuqyadana laga hadal hayo kala yihin Xildhiban Mubarik Bidhi iyo Xildhiban Cabdirashid Faarax Cali oo inta badan ku hawlan horumarinta degmada iyagoo xildhibaano keliya ah, kuwaaso meel walba oo ay tagaan qalab uga soo qada degmada, kulamo ay ku xoojinayaan isku xidhka dawladaha hoose ee carabta iyo yurub na ka qaybgala, isla markaasna ah xildhibanada ugu shaqada badan ee mar qudha fadhiisan inta ay dalka iyo degmadooda jogaana.




Afkashacabka.com
Burco  /Office

Contact@afkashacabka.com

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA WADDADA OO HADDA GACANTA LAGU HAYO IYO MADAXWEYNAHA OO XADHIGA KA JARAYA