Sababaha Keenay Shaqo La,aanta Somaliland Ka Jirta WQ: Ammiin Cabdilahi Yasin

0
Tuesday February 10, 2015 - 08:41:09 in by salman abdi
  • Visits: 1592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababaha Keenay Shaqo La,aanta Somaliland Ka Jirta WQ: Ammiin Cabdilahi Yasin

    Guud ahaanba waxaan maqaalkan ku eegayaa, qaar ka mida sababaha keenay shaqo la'aanta ka jirta dalka , taas oo keentay in ku dhawaad 85%, dhalinyarada wadanka ku nooli noqdaan bilaa camal, amaba shaqo la'aan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaanba waxaan maqaalkan ku eegayaa, qaar ka mida sababaha keenay shaqo la'aanta ka jirta dalka , taas oo keentay in ku dhawaad 85%, dhalinyarada wadanka ku nooli noqdaan bilaa camal, amaba shaqo la'aan.

Shaqo la’aantu waxay ka mid tahay labada shar ee dhaqaalaha( two evils of the economy). Labadaas oo kala ah shaqo la’aanta iyo sixir bararka.( unemployment and inflation), hadii aynu eegno waxaa jaamacadaha dalka ka baxa ku dhawaad 6000 oo ardey ah, intooda badanina waxay ku biiraan kuwii hore ee makhaayadaha fadhiyey amaba kabadhada ku qaylaayay ,waxaan maqaalkan ku qodabeyn doonaa, bal aragtideyda qaar ka mida sababahaas

 

1. marka ugu horeysa waxaa jirta xidhiidh la’aan( coordination failure) u dhaxeysa wasaarada Waxbarashada iyo Jaamacadaha dalka ku yaala, taas oo aaney si wanaagsan uga wada shaqeyn sidii laysku waafajin lahaa shaqooyinka suuqa looga baahan yahay iyo Waxbarashada ardeydu qaadaneyso marka jaamacadaha la jooga, isla markaas la yara joojiyo Waxbarashada wadanka horumarkiisa waxba ka tareyn, amaba suuqa looga baahaaneyn.

 

Waayo doorka looga baahan yahay wasaarada waxbarshada waxa weeye iney suuqa qiimeyn ku sameyso( market assessment), si ay isku habeyso shaqooyinka suuqa yaala iyo waxbarashada jaamacaduhu bixinayaan, si looga fogaado shaqooyinka iyo aqoonta ismaan dhaafsan ( mismatching employment),maxaa yeelay jaamacadihii wadanku ma eegayaan intooda badan Waxbarashada ay bixinayaan ineyku jaan gooyaan shaqooyinka suuqa,sidaa awgeed waxaynu odhan karnaa dhibkani mid sabab unoqdey shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

2. Qodabka labaad, latalin la’aan ardeyda marka ay ka soo baxayaan dugsiyada sare, waayo waxaad arkeysa ardeygu marka uu ka soo baxo dugsiga sare ee uu doonayo inuu jamacadaha ku biro, ardeygii oo aan garaneyn waxa uu rabo inuu jaamacadaha ka barto xataa aan gareneyn waxa uu ku fiican yahay.

Waxaad arkeysaa ardey intuu jaamacada tago, siduu hudheelada ku odhanaya maxaad haysaan, markaasaa loo yeedhinayaa, Accounting, Management, Economics, ICT, development studies, Political science, Public health, Medicine, intaas marka loo yeedhiyo sidii cashooyinkii hudheelada ayuu mid ka mida dooranayaa, isagoo aan wax war ah ka heyn,tani waxa ay keenaysaa inuu ardeygii waxba fahmi waayo, tayadiisa waxbarshana, hoos udhacdo,aakharkii jamacadii ku tidhaahdo waad qalin jabisey, isaga oo wareersan xaqiiqda wajaho.

3. Shirkadaha gaarka loo leeyahay oo sidii la rabay shaqaalaha u qaadan.

Waxa aynu ognahay shirkadaha gaarka loo leeyahay faa’iidada aadka u balaadhan ee ay wadanka ka helaan, iyo sanadkii faa’iidooyinka soo gala, dadka ku leh saamiyada, (stakeholders) hadaba ma arkeysid iyagoo shaqooyin ku soo xayeysiinaya saxaafada,

Marka ay doonayaan in ay qof shaqaaleysiiyaan waxa ay ku odhanayaa waxaa loo baahan yahay qof yaqaana far hunguriga oo macnaheedu tahay qof sidaas aqoon buuxda u lahayn oo mushahar yar la siiyo, saacaado badana shaqeeya, iyo shuruudo kale oo ku saleysan reernimo.

4. Musuqmaasuq ka jira dhinaca shaqaalaha dawlada , ( public employment)

Dhamaan shaqaalihii kala duwanaa ee soo marey xukuumadihii ka talinaayey wadanka waxa shaqaalaha lagu qaadanaayey hab qabiil ama dano gaara, hadey tahay dawlad sare iyo mid hoosaba, waayo hadii aynu eegno wasaaradaha dalka mid walba waxaa ka shaqeeya in ku dhaw, 400, oo qof suaasha is weydiinta mudani waxa weeye sidee bay shaqada ku helleen ileeyn meel qudha oo laga xayeysiiyey ma jiraane,

Hadii mid ka mid ah aad weydiisid sida uu shaqada ku helay waxa uu kugu jaawabayaa waa sheeko dheer,

Guud ahaanba wey badan yihiin sababaha keenay shaqo la’aanta wadanka ka jirta hase yeeshee intaas ayaan ku soo gabagabeynayaa.



 

WQ: Amiin Cabdilaahi Yaasiin

Burco Somaliland

Email.amiincd@gmail.com

Mobile: 0634311813