Daawo:Wasiir Samaale oo sheegay inu Murashax yahay Marka uu Madaxweyne Siilaanyo Kursiga Ka Dhergo wa sida u hadalka u dhigee

0
Tuesday March 25, 2014 - 11:12:01 in by Super Admin
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiir Samaale oo sheegay inu Murashax yahay Marka uu Madaxweyne Siilaanyo Kursiga Ka Dhergo wa sida u hadalka u dhigee

    "Anigu Laga Bilaabo Maalinta u Madaxweyne Siilaanyo Haakah(Ka Dhergo) kursiga Madaxweynenimada Musharrax Baan ahay, Muuse Biixina waan u daayey Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye." Ayuu yidhi wasiirku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Anigu Laga Bilaabo Maalinta u Madaxweyne Siilaanyo Haakah(Ka Dhergo) kursiga Madaxweynenimada Musharrax Baan ahay, Muuse Biixina waan u daayey Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye." Ayuu yidhi wasiirku

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa markii ugu Horraysay Si cad u sheegay inuu Yahay Musharrax u taagan Madaxtinimada Dalka, balse kaliya ka Hor taagan yahay Madaxtimida Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Xilligani .

Wasiir Samaale oo shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaraddiisa, ayaa tilmaamay in Marka uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhergo kursiga Dalka looga Taliyo uu isagu noqon doono Musharax u taagan Madaxtinimada Dalka, waxana uu intaas ku daray inuu Haatan Ixtiraamka Madaxweynaha Dartii aanu u ahayn Musharax xilligan la Joogo.

"Anigu Laga Bilaabo Maalinta u Madaxweyne Siilaanyo Haakah(Ka Dhergo) kursiga Madaxweynenimada Musharrax Baan ahay, Muuse Biixina waan u daayey Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.” Ayuu yidhi Wasiir Samaale oo Saxaafadda la Hadlayey.

Wasiir Samaale ayaa in Badan ku dheggenaa inuu Noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxana uu Hankiisu caqabad ku ahaa Dib u dhacyo iyo muran in badan ku dhex jirey Xisbiga Kulmiye oo sababay in shirarkii xisbigu wakhtigii loo qoondeeyey dib uga dhacaan.






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com