Wasiirka Dhallinyarada iyo cayaaraha Somaliland Oo Muddeeyay Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

0
Tuesday February 10, 2015 - 19:07:05 in by salman abdi
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Dhallinyarada iyo cayaaraha Somaliland Oo Muddeeyay Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

    Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, Cali Siciid Raygal, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay

in tartanka ciyaaraha ee gobollada dalka loo asteeyay bisha August ee sanadkan.

War-saxaafadeedkaasi oo aan lagu sheegin halka lagu qabanayo tartanka ciyaaraha ee gobollada Somaliland, ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

War-Saxaafadeed: Xilliga Uu Qabsoomayo Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

Wasaaradda Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland iyada oo ka duulaysa siyaasada xukuumada iyo dar-dar gelinta shaqada ay hayso waxay halkan ku shaacinaysa wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Sida aynu ka war-hayno tartankani ma uu qabsoomin sannadkii hore tabaabusho iyo diyaar garaw xoogan oo ka duwan kuwii hore awgeed, waxaa tartanka ciyaaraha gobolladu uu qabsoomaya haddii Alle Yidhaahdo bisha August sannadkan 2015. Wakhtigan aanu u cayimnay qabsoomida tartankan oo ah ka ugu baaxada weyn Dalka ayaa ay wakhti munaasib ah oo aanu ka eegnay dhinacyo baddan, waa wakhti hadii Eebe Idmo ay bisha Ramadaan dhamaatay iyada oo dhanka kale guud ahaan Ardaydu ay fasax sannadeedka ay ku jiraan halka sidoo kale ay dalka yimaadaan Qurbo jog aad u tiro baddan.

Haddaba waxaanu faraynaa cid kasta oo ay khusayso sidoo kalena aanu wada shaqayn leenahay inay ku diyaar garoobaan inta ka hadhay muddadaas aanu shaacinay.


Hadda laga bilaabo tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland waxa uu noqon doonaa mid labadii sannaba hal mar la qaban doono Insha Allah. Waxaanan rajaynayaa in tartankan soo socda iyo kuwa ku xigaaba inoogu qabsoomi doonaan hanaan qurux baddan oo nabad-galyo iyo xasilooni ah.




ALLAA MAHAD LEH


Cali Siciid Reygal

Wasiirka WHDC&Dalxiiska