Daawo:Badhasabka Togdheer oo Xilkii u kala Wareejiyey Badhasakuxigenki hore iyo Badhasabkuxigenka Cusub

0
Tuesday February 10, 2015 - 20:21:37 in by salman abdi
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Badhasabka Togdheer oo Xilkii u kala Wareejiyey Badhasakuxigenki hore iyo Badhasabkuxigenka Cusub

    Xafladan Xilka loogu kala Wareejinaayay Gudoomiyihii Hore Ee Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle Iyo Gud/kuxigeenka Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladan Xilka loogu kala Wareejinaayay Gudoomiyihii Hore Ee Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle Iyo Gud/kuxigeenka Cusub

Ee Loo soo Magacaabay Maxamed Diiriye Xayd Dibjir ayaa Maanta Lagu Qabtay . Xarunta Gobolka Togdheer,

Xafladan oo Ay Soo Buuxdhaafiyeen Masuuliyiinta Ka Socotay Xisbiga Waddani Oo uu kamid ahaan jiray Gudoomiye Kuxigeenka Cusub Ee Loo Soo Magacaabay Gobolka Togdheer Mudane: Maxamed diiriye Xayd Dibjir Ayaa Waxa Kale oo Ka Soo Qaybgalay Agaasimaha Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane: Maxamed Cali Maxamed, Badhasaabka Gobolka Togdheer, Saraakiil ka socotay Qaybaha Kala Duwan Ee ciidanka , Duqa Degmada Burco, Xildhibaano Iyo Qaarkamida Madaxdhaqameedka Gobolka

Duqa Degmada Burco oo Xafaladaasi Furay Ayaa aad Ugu Mahadnaqay badhasaabkuxigeenkii hore ee Togdheer Mudane Ubaxle Waxqabadka Balaadhan ee uu kaga tagay Gobolka Tan Iyo Intii uu xilka hayay Sidoo kalena Waxa uu aad usoo dhaweeyay Badhasaabkuxigeenka Cusub Ee Togdheer Mudane:Dibjir: Waxaana Hadaladiisii Kamid ahaa”Waxaan Joognaa Halkan Oo Ay Xilka kula kala wareegayaan laba oday oo aan aad isu jecelnahay oo labadaydii garab ah Xilkuna waa qori isu dhiib oo waxa loogu talo galay inuu ninba meel soo gaadhsiiyo,Sax waxay ku tahay in maamulka cidi meel soo gaadhsiiso in Halkii uu kasii wado qofkii soo gaadhaaba. Waana sunaha dawladnimo”

xilwareejin

xilwareejin4


Badhasaab kuxigeenkii hore ee togdheer mud:Maxamed maxamuud yuusuf Ubaxle, oo halkaasi ka hadlay ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu halkaasi ka jeediyay, isagoo mr:Ubaxle Aad ugu mahadceliyay Cidkasta oo lasoo Shaqeysay Iyo Madaxweynaha Somaliland oo uu Ku Hambalyeeyay Uguna Mahad celiyay in uu xilka umagacaabao Muxaafad iyo Mucaaradba, sidoo kalena Mr: Ubaxle waxa uu soo dhaweeyay Badhasaabka ku xigeenka cusub ee gobolka togdheer Waxaana uu Yidhi ”Waxaan Aad ugu faraxsanahay in aan maanta xilka ka dego iyado Burco Nabadgelyo ah, Wada fadhida Kaftamaysa, Turxaan la,a , hadalka is odhanaysa Sunaha Dawladnimo ayaanay kamid tahay, Aniga Xisibga Kulmiye Waxaan ku Biiray Anigoo Sanca Jooga Markaan imina odayada galbeeka Burco cidbadani ka taageersanayn ayaa Anigoo 30 ilaa afartan oday Wada ayaan deero isugu iman jirnay oo uu cabdi awdaahir uu qudhi tago ayaan kubiiray, maantana waa ilaahay mahadii in uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Xilalka u qaybiyo Muxaafad iyo mucaaradba, Walaalkey Mudane Maxamed Diiriye Xaydna Waxaan Balanqaadayaa inaan la shaqeyn doono, Maxamed Diiriye Xaydna Laba Jeer Ayaanu Kulanay Mar Waxay Ahayd Ollolihii Doorashadii Kulmiye ku guulaystay oo uu Udub Ka socday, Marna Waa Maanta oo aan xilka ku wareejinaayo, Dadweynaha Reer Burcana waxaan u balanqaadayaa, iminka oo aan xilka kadegay inaanan noqondoonin masuul Dhagaxa tuura marka xilka laga qaado ama Xisbi kale qabyaalad ku raaca ee aan kulmiye ka sii mid ahaan doono”

Badhasaab Ku xigeenka Cusub ee ee gobolka Togdheer oo isna halkaasi ka hadlay Ayaa Yidhi” Waxaan aad uga mahad celinayaa walaalkey gudoomiye kuxigeenkii hore ee togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle hadalkiisiina aad baan usoo dhaweynayaa, Bulshada Burco waxaan ka codsanayaa inay iigu duceeyaan in illahay ii fududeeyo xilkaa la ii igmaday, iyo in ay ila shaqeeyaan, waxaan bulshada ugu shaqeyn doonaa si cadaalada”

Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Agaasimaha Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Iyo Badhasaabka Togdheer Mudane Maxamed muuse Diiriye oo iyaguna halkaasi ka Hadlay ayaa aad usoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Gobolka Togdheer Mud: Maxamed Diiriye Xayd Dibjir, Sidoo Kalena Waxay aad ugu Mahad Celinayeen Badhasaab Kuxigeenkii hore ee Togdheer Mud:Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle iyo sida lama ilaawaanka ah ee uu ugu soo shaqeeyay Bulshada reer Togdheer, Ugu Danbaytiina waxa ay masuulyiintaasi xilka ukala wareejiyeen labada badhasaab ku xigeen, Waxaanay Bulshada Reer Burco is waydiin doonaan halka ay ku danbaydoonta Mucaaradnimada Gudoomiye kuxigeenka Cusub Ee Gobolka Togdheer Mudane: Maxamed diiriye Xayd oo ka mid ahaan jiray xisbiga Waddani, Iyadoo sidoo kale ay bulshada Reer Burco aad u arajaynayaan in Xil Kale lagu dalacsiin doono Gudoomiye kuxigeenkii ee Gobolka Togdheer Mudane:Ubaxle oo kamid ahaa masuuliyiinta ugu firfircoon ee gobolka Togdheer oo ay bulshada Burco tabidoonto maqnaanshihiisa hadii aan xil loo magacaabin.