hadaan ku sheego afka casriga ah ee dhalin yaradu isticmaalaan waxaa lagu yidhaa kabo qaad sababta magacan loogu baxshayna waxaa laga wadaa had iyo goor waxaa uu hadalkiisa iyo falkiisaba buunbuuniyaa cida isaga shaqo ahaaan ama darajo ahaan kasaraysa isagoo isku dhigaaya inuu ku raali gasho cidaasi isaga maamusha kagana haybadaysta isagoo is dhahaaya aad kaga heshid ixtiraam iyo sad bursi aan cida kale ee ay isku faca ama isku shaqadaba yihiini aanay helin.

Qofkan isaga ah ee loo yaqaano nacamlaha ama kabo qaadka hadba sida aad u taqaano waxaa uu iska ilaabay oo aanu ku kalsoonayn ilaaha khaaliqa ah ee dhamaan dad iyo duunyo ba arzaaqa ee gacantiisu balaadhan tahay waajibna ay tahay in isaga mooyaane aan cid kale labaryi karahayn oo ay shirki tahay.

Waxaa ku qaloocatay aaminaada ilahay waxaa uu u haystaa in cida hadba isaga u madaxda ah ama uu ka amar qaataa ay tahay cida gargaarka iyo arzaaqdaba u haysa haduu nacamle u noqon waayana wax u suurta galayaa aanu jirahayn sidaa awgeed ayuu waxaa uu had iyo goor ku dadaalayaa inuu iska dhaadhiciyo cida xukunta ee shaqada uga saraysa ama uu u sheqeeyaba shaqadaasi ha ahaato mid cid gaar ahi leedahay ama mid dawladeede.

Had iyo goorna waxaa uu ku hadaaqa ama uu ka helaa wad wadka iyo sheegsheegida hadalada cida uu daacada u yahay isagoo waliba ka dhex amaana meelaha umadu isugu timaado oo dhahaaya masuul hebelbaa sidaa yidhi ama sidaa sameeyay waa nin dacaada waa nin hawl kar ah waa nin cadaali ah.

Meelaha sida weyn looga yaqaano waxaa kamid ah shirarka marka la iskugu yimaado ama hayaadaasi shaqaaleheedu isku yimaadaan ayaa waxaa uu qofka noocan ahi fadhiistaa meel aan kaba dheerayn cida uu kaba qaadka ama nacamlaha u yahay isagoo isku dayaaya inuu u jiibiyo masuulka uu daacada u yahay kana xigtaysanaayo asaxaabiisa kale markasta oo masuulku soo hadal qaado meelo muhiim ah ama aan muhiimba ahayn waxaad arkaysaa isagoo hoosta ka guuxaaya oo dhahaaya waa runtaa, sidaa weeyi, xaaji waad asiibtay, arinkaasi waa sax, waa arin loo baahnaa, waxaa iyo wax lamid ah oo wada daaca qudhun ah ayuu shubahayaa ujeedada kaliya ee uu ka leeyahayna waa inuu iska dhaadhiciyo xaajiga si loogu sameeyo sad bursiimo ama waxaaba uu isleeyahay hadaanad sidan samayn wax heli maysid waxaa uu iska ilaawey ilahay oo cid walba arzaaqa.

Waxaa taasi kasii daran haduu hadlaayo ama uu aragtidiisa dhiibanaayo waxaa uu ku soo celceliyaa erayada ah waa sida xaajigu yidhiye, xaajigaa hadalkii dhameeyee, arintuba intaa xaajigu sheegaybay hayed, xaajiga waa runtii taasi oo waan la qabaaye iyo waxyaabo kasii liita ayuu ku hadaaqaa.

 

 

Dhaqanka noocan ah waxaa lagu yaqaanaa oo caan ku ah dadka aan aqoonta cilmiga iyo mida garashaba ka faqiirka ah ama ka aradan ee aan kalsoonida iska qabin waana ayaan daro inaad ilaaha khaaliqa ah aad isku halayn waydo oo aad iska aaminto in cid kale oo bani aadam ahi ay wax kuu qabanayso waliba aad aaminto in hadii aanad nacamle u noqon aanad ka helahayn gargaaka aad ka rabto.


Waxaad ogaataan in nimanka madaxda ahi ay ugu jecel yihiin kan kaba qaadka ah waayo waxay ka helahayaan waxay u baahanyihiin sidaa cagsigeedana isaga laftiisa ayey ugu necebyihiin waayo waxay ogyihiin ducufnimadiisa oo waxay is dhahayaan sida uu adigaba wax kasta kuugu sheegayo ee uu kaba kugu qaadaayo ee uu xaajida kaga dabahayo ayuu cida kalena ku yahay oo sirtaada ayuu gudbinahayaa oo si dhib yar ayaa looga helayaa waayo waa qof bilaa qayim ah ama aan damiir lahayn.

 

Guntii iyo gunaanadkii saaxiib ha noqon kan noocan ah ee leh sifooyinka aan ka soo hadalay iskana ilaali erayada kala ah waad sida xaajigu yidhiye, xaajigaa dhameeyee, waa runtaa masuul hebel.

Raganimada ilahay ku siiyey sheego oo dheh waxaan leeyahay sidaa iyo sidaa sheego aragtidaada adigoo xor ah ilahayna isku xidh oo u talo saaro dhamaan axwaashaada oo dhan, hadaad sidaa yeesho waad liibaani if iyo aakhiraba hadaad xaajiga ama masuulka isku xidhana waxaad noqon mid la,aad ah oo la iskaga baydho cidna aanay waxba waydiin.

 

Halku higeena maantuna waa ( XAAJIGA HADALKII DHAMEEYAY)




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

EMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com