Weriye Maxamed Cabdilahi Soofadhiiste oo Xorriyadiisi helay kana hadlay Sababihii Xadhigiisa

0
Wednesday February 11, 2015 - 17:59:46 in by salman abdi
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Maxamed Cabdilahi Soofadhiiste oo Xorriyadiisi helay kana hadlay Sababihii Xadhigiisa

    Weriye Maxamed Cabdilahi Soofadhiiste oo Xorriyadiisi helay kana hadlay Sababihii Xadhigiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriye Maxamed Cabdilahi Soofadhiiste oo Xorriyadiisi helay kana hadlay Sababihii Xadhigiisa Xukuumada Somaliland ayaa Goordhaweyd Xoriyadiisii dib ugu soo celisay Wariyihii Tvga Somalia Chenel ee magaalada Berbera Maxamed Cabdilaahi Soofadhiiste oo mudo shan Cisho ah ku xidhaa Xabsiga Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil .

Wariye Mahamed Cabdilaahi Soofadhiiste oo markii uu ka soo baxay Xabsiga la Hadley Warfidiyeenada ayaa Xadhigiisan ku Tilmaamay mid sharci daro ah isla markaana waxaa uu aad ugu mahadnaqey cid kasta oo ka qayb qaatey soo dantiisa.

 

Waxaan u mahadnaqayaa cid kastoo ka qayb qaadatey Soo daynta Xadhigeygii Cadaalada darada ahaa ee laygula kacay”waxaan si gaara ugu mahanaqayaa Bahda Saxaafada Somaliland ee gobolka saaxil oo warkayga meel walba gaadhsiiyey mudadii aan xidhnaa”oo aadna ugu dhaqdhaqaaqey Xuquuqda Xuriyadayda”waxaan marka labaadna u mahadnaqayaa Ciidamada Asluubta ee xabsiga Berbera oo meel wanaagsan I dajiyey oo si wanaagsan iila dhaqmey”

Wariye Mahamed Cabdilaahi Soofadhiiste oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku darey "Xadhigayga waa laga wada war hayey oo wuxuu ahaa mid calaad daro ah oo may jirin wax danbi ah oo aan galey wax danbi ah oo Maxkamadi igu heshay may jirin imikana wax dhibaato ah ma qabo”


12310251889_791934730894644_5067359610104229477_nCaptureh