SHUCAYB GAAB IYO XUSEEN BISAD OO SHEEGAY INAY WADDAMO BADAN UGA SOO OLOLAYN DOONAAN QADDIYADA SOMALILAND

0
Tuesday March 25, 2014 - 16:31:24 in by Super Admin
  • Visits: 4142
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHUCAYB GAAB IYO XUSEEN BISAD OO SHEEGAY INAY WADDAMO BADAN UGA SOO OLOLAYN DOONAAN QADDIYADA SOMALILAND

    Shucayb Xasan Ducaale Oo Ah Ninka Ugu Gaaban Bulshada Reer Somaliland Ayaa Sheegay In Isaga Iyo Saaxiibkii Xuseen Bisad Oo Ah Ninka Dunida Ugu Dheer Ay Dhawaan U Xadhko Xidhanayaan Socdaalo Ay Ku Tagi Doonaan Qaar Ka Tirsan Wadamada Dunida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shucayb Xasan Ducaale Oo Ah Ninka Ugu Gaaban Bulshada Reer Somaliland Ayaa Sheegay In Isaga Iyo Saaxiibkii Xuseen Bisad Oo Ah Ninka Dunida Ugu Dheer Ay Dhawaan U Xadhko Xidhanayaan Socdaalo Ay Ku Tagi Doonaan Qaar Ka Tirsan Wadamada Dunida.


ShucaybWaxaanu Tilmaamay In Socdaalkoodu Salka Ku Hayo Sidii Ay Qadiyada Somaliland Uga Soo Ololayn Lahaayeen In Beesha Caalamku Aqoonsi Buuxa U Fidiso Somaliland Maadaama Somaliland Ay Buuxisay Shuruudihii Dal Lagu Aqoonsanayay, Balse Ay Beesha Caalamku Ilaa Hada Aanay Aqoonsan Dalkan Nabadgalyada Ku Caano Maalay Ee Wadamo Farabadan Kaga Horumarsan Dhinacyada Nabadgalyada, Dimuqraadiyada Iyo Amaanka, Halka Beesha Caalamku Aqoonsantahay Wadamo Badan Oo Aan U Qalmin Aqoonsi, Ayaa Sheegay In Wadamada Ay Mari Doonaan Ay Muddada Ay Joogaan Ka Bilaabi Doonaan Olole Ku Saabsan Iibgaynta Qadiyada Somaliland.

Mr Shucayb Xasan Ayaa Sidoo Kale Ka Hadlay Socdaal Madaxweyne Siilaanyo Dhawaan Ku Soo Maray Gobollada Dalka, Kaas Oo Sheegay Inuu Ahaa Socdaal Taariikhiya, Isla Markaana Muujinayay In Madaxweyne Siilaanyo Noqday Madaxweynihii U Horeeyey Ee Somaliland Ee Booqda Deegaano Aanay Safaro Ku Tagin Madaxweynayaashii Hore Ee Somaliland, Waxaanu Carabka Ku Dhuftay In Socdaalkaasi Madaxweynuhu Ugu Kuur Galayay Gobollada Dalka Ee Galbeed Ilaa Bari Uu Ahaa Safar Ay Dadweynaha Reer Somaliland Si Weyn Ugu Soo Dhaweeyeen Maadaama Madaxeynihii Dalku Socdaalkaasi Dheer Ku Soo Maray Gobolladii Dalka.

Mr Shucayb Xasan Ducaale Waxa Uu Sidaasi Ku Sheegay Mar Uu Shalay U Waramay Wargeyska Haatuf Isagoo Ku Sugan Hargeysa, Ayaa Sidoo Kale Waxa Uu Kaga Hadlay Tahriibka Ay Da’yarta Reer Somaliland Nafahooda Ugu Biimaynayaan Wadamada Shisheeye Ayaa Uga Digay, Isla Markaana Ugu Baaqay Inaanay U Hanqal Taagin Aafada Tahriibka Ay Dalkooda Aaminaan.

Shucayb Isagoo Ugu Horayn Ka Hadlaya Socdaalkiii Dheeraa Ee Madaxweyne Siilaanyo Ku Soo Maray Dhawaan Gobollada Dalka Waxa Uu Yidhi "Socdaalka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Dhawaan Kusoo Maray Gobollada Dalka Galbeed Ilaa Bari Waxa Uu Ahaa Socdaal Taariikhiya, Isla Markaana Bulsho Weynta Somaliland Aad U Soo Dhaweeyeen, Waxaanan U Arkaa Safarkaasi Dheer Ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Socdaal Ku Suntan Taariikhda Somaliland, Isla Markaana Noqday Madaxweynihii Ugu Horeeyay Ee Somaliland Soo Mara Ee Socdaal Ku Taga Deegaano Farabadan Oo Ka Tirsan Gobollada Dalka Oo Aanay Gaadhin Madaxweynayaashii Hore Ee Dalka Soo Maray”

Mr Shucayb Gab Oo Ka Hadlaya Socdaal Ay Dhawaan Isaga Iyo Saaxiibkii Xuseen Bisad Ku Ku Talo Jiraan Inay Ku Maraan Wadamo, Isla Markaana Ujeedada Socdaalkaasi Daaran Yahay Iibgaynta Qadiyada Iyo Aqoonsi Raadinta Somaliland Ay Ka Ololayn Doonaan Muddada Ay Wadamadaasi Marayaan, Waxaanu Yidhi "Haddii Alle Idmo Aniga Iyo Saaxiibkay Xuseen Bisad Oo An Ninka Dunida Ugu Dheer Waxaanu Dhawaan Ku Talo Jirnaa Inaanu U Socaalo Ku Soo Maro Dalal Badan, Isla Markaana Ujeedada Aanu U Tagaynaa Salka Ku Hayso Ololaynta Qadiyada Iyo Aqoonsi Raadinta Somaliland Ee Beesha Caalamku Ilaa Hada Somaliland Aanay Ictiraaf Buuxa Siinin, Aanu Mudada Aanu Joogno Wadamadaasi Halgan Qadhaadh U Galno Sidii Aanu Uga Dhaadhicin Lahayn Maxaa Somaliland Aqoonsi U Diidaya Maadaama Shuruudihii Dal Lagu Aqoonsanayay Somaliland Buuxisay, Isla Markaana Wadamo Badan Oo Aduunka Ah Kaga Horumarsan Tahay Dhinacyada Nabadgalyada, Dimoqraadiyada Iyo Xasilooni Aanay Wadamo Badani Lahayn Oo Hadana Beesha Caalamku Aqoonsatay, Waxaan U Arkaa In Beesha Caalamku Somaliland Hagratay, Aqoonsi U Qalanto Somaliland”

Isagoo Ka Hadlaya Tahriibka Da’yarta Somaliland Ku Haligayaan Nafahooda, Isla Markaana Ugu Suudalayaan Wadamada Shisheeye Ayaa Ugu Baaqay Dhalinyarada Somaliland Inaanay U Hanqal Taagin Tahriibka Dalalka Qurbaha, Waxaanu Yidhi "Waxaan Uga Digayaa Da’yarta Somaliland Tahriibka Ay In Badan Oo Ka Mid Ahi Ku Nafwaayeen Saxaraha Iyo Badaha Iyagoo Doonaya Inay Galaan Wdaamada Shisheeye. Waxaan U Soo Jeedinayaa Ubaxa Dalka Inaanay Beegsan Aafada Tahriibka Ee Khataraha Iyo Halaaga Baday Ay Aaminaan Dalkooda” .



Source:  Haatuf