war deg deg agh Dagaal culus oo labaad ka bilaabmay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

0
Thursday February 12, 2015 - 11:25:06 in by Burco Office
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    war deg deg agh Dagaal culus oo labaad ka bilaabmay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud

    Degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud waxaa saacadihii hore ee maanta dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo labo cisho ka hor la wareegan gacan ku heynta degmada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud waxaa saacadihii hore ee maanta dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaliya iyo xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo labo cisho ka hor la wareegan gacan ku heynta degmada.


Dad ku sugan degmada Guri-ceel oo aan goor dhaw la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay dagaallka, iyaga oo sheegay in ciidammo ka tirsan dowladda soomaaliya oo intooda badan ka soo baxa degmada Dhuusa-mareeb weerar ku soo qaadeen saldhigyadii ay ku sugnayeen Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa hub culus oo ay dhinacyadu is-dhaafsanayaan, illaa iyo haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallka, madaama uu wali soconayo.

Shacabka ku dhaqan degmada oo labadii cisho ee la soo dhaafnayba siweyn ugu dhag-taagayay waxa ka soo bixi kara abaabulka dagaal ee labada dhinac, ayaa la sheegay in ay ku go-doonsan yihiin xaafadaha lagu dagaallamayo.

Saraakiilu hadashay kooxda Ahlusunna ayaa sheegay in ay degmada kula dagaalamayaan maleeshiyaad ka tirsan burcad badeeda Soomaalida, inkastoo wararka madaxa-banaan sheegayaan in dagaalku uu dhaxeeyo ciidammada dowladda Soomaaliya iyo garab ka mid ah xoogagga Ahlusunna ee gobollada dhexe.


Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco afkashacabka.com

conatct@afkashacabka.com