Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Amaanka Labada Dal

0
Thursday February 12, 2015 - 21:33:08 in by salman abdi
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Amaanka Labada Dal

    Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in xididka loo saaro koox nabad diid ah oo ku dhuumaalaysanaysa dalka Itoobiya oo Salaasadii dabley ka tirsani ay soo weerareen degmadda Qol-ujeed ee gobolka Awdal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in xididka loo saaro koox nabad diid ah oo ku dhuumaalaysanaysa dalka Itoobiya oo Salaasadii dabley ka tirsani ay soo weerareen degmadda Qol-ujeed ee gobolka Awdal,

 halkaasi oo ciidanka qaranku baacsaday markii ay rasaas ay kooxdaasi furtay ay ku dhaawacmeen laba qof oo midi ahaa askari ciidanka qaranka ka tirsan iyo gabadh shicib ah.


Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo sheegay in kooxdan nabad diidka ah la soo afjari doono. "Arrintaa dawladda Itoobiya waanu kala hadalay waxaanay dawladda Itoobiya noo balan qaaday in ay tallaabo deg deg ah ka qaadayaan maleeshiyadaasina waxaay ahayd dablay nabad-diid ah oo si tuugo ah Itoobiya ugu dhuumanaysay .markaa arrintaasi si dhakhso ah ayay u soo af-jarmaysaa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland oo xalay khadka tilifoonka ugu waramay WargayskaDAWAN.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka hadlaya xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Itoobiya iyo halka uu gaadhsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal iyo iskaashiga dhankastaba leh ee ay wadaagaan oo uu tilmaamay in aanay bur burin karin tuugo shuumaalaysi ugu kala gudubtay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi "Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo oo aan isku qarinin cid dalka kale cadaw ku ah..Tuugo dhuumanaysaana iskuma dili karto Somaliland iyo Itoobiya dhankastaana tallaabo ayuu ka qaadayaa wixii noocaas ah.

wax ay arrintaasi u dhimayso xidhiidhka wanaagsan ee labada waddan ka dhexeeyaana ma jirto, Somaliland-na kama suura galayso in Itoobiya cid cadaw ku ahi soo dhex marto oo ay ku duusho Itoobiyana dhankeeda way balan qaaday waxaanay noo caddaysay in arrinta dhacday ay ahayd mid ay sameeyeen koox tuugo ah oo dhuumasho ugu kala gudubtay labada dal waxaanay ballan qaad buuxa ku bixisay dawladda aanu jaarka nahay ee Itoobiya in si midaysan dhan looga soo wada jeesto cid kasta oo lid ku ah nabad gelyada iyo iskaashiga labada waddan.”

" Arrinta kooxdan nabad-diidka ahna tallaabo cad inay ka qaadayaan ayay noo caddeeyeen, Somaliiland iyo Itoobiyana way ka midaysan yihiin ka hor tagga wax kasta oo wax yeelo ku keenaya ama wax u dhimi kara nabad gelyada guud ahaan mandaqada gaar ahaan labada waddan,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.




Contact@afkashacabka.com