ISKA HOR IMAAD KA DHACAY DEEGAAN KA TIRSAN GOBOLKA SOOL

0
Tuesday March 25, 2014 - 17:13:51 in by Super Admin
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ISKA HOR IMAAD KA DHACAY DEEGAAN KA TIRSAN GOBOLKA SOOL

    Laba qof ayaa dhintay hal qofna uu dhaawacmay, kadib markii uu iska horimaad ka dhacay tuulada lagu magacaabo LAABAAS oo hoos timaada Degmada Taleex ee Gobolka SOOL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba qof ayaa dhintay hal qofna uu dhaawacmay, kadib markii uu iska horimaad ka dhacay tuulada lagu magacaabo LAABAAS oo hoos timaada Degmada Taleex ee Gobolka SOOL.

Laba qof ayaa dhintay hal qofna uu dhaawacmay, kadib markii uu iska horimaad ka dhacay tuulada lagu magacaabo LAABAAS oo hoos timaada Degmada Taleex ee Gobolka SOOL.

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Afyaalnews.com u xaqiijiyey dad ku sugan deegaankaas oo aanu la xidhiidhnay, waxaanu warku intaasi ku daray inuu iska hor imaadkani ka dambeeyey, kadib markii hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Laas-caanood ay deegaankaas gaadhsiisay barnaamij lagu caawinayo dadka jilicsan ee deegaankaas, kaasoo hay’adan ka wado deegaamo ku yaal Nugaasha Gobolka Sool.

Dhalinyaro deegaankaas ah oo laga qayb-gelin waayey deeqdan ayaa Rasaas ooda kaga qaaday baabuur ay hay’adani lahayd, taasoo iska hor imaadkan markii danbe sababtay, waxaana ku dhintay 2 ruux, halka uu ku dhaawacmay qof kale, waxaana caawa la soo gaadh-siiyey Cusbitaalka Magaalada Laascaanood.

Tuuladan Laabaas ayaa ka mid ah deegaamada dhawaan la degay iyadoo odaygii tuuladaas oo loogu magac-daray Tuuladan Laabaas uu yahay ruuxa dhaawucu soo gaadhay. Masuuliyiinta hay’adan Maxaliga ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan, iyadoo marar badan ay dhacdo in deeqaha la gaadh-siinayo deegaamadan ay ka dhashaan isku dhac noocaas oo kale.





Afkashacabka.com

Laascaanod /Office

Contact@afkashacabka.com