Muxuu Halyeey Paul Scholes Ka Yiri Qaab Ciyaareedka Kooxdiisii Hore Man United Xili Ciyaareedkaan?

0
Friday February 13, 2015 - 14:22:14 in by Burco Office
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Halyeey Paul Scholes Ka Yiri Qaab Ciyaareedka Kooxdiisii Hore Man United Xili Ciyaareedkaan?

    Halyeeygii hore kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa ka dhawaajiyay in qaar ka mid ah kubadaha ay ciyaareyso kooxdiisii hore xili ciyaareedkaan ay tahay mid lagu murugoodo. Inkastoo tababare Louis Van Gaal uu kooxdiisa u hogaamiyay kaalinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeygii hore kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa ka dhawaajiyay in qaar ka mid ah kubadaha ay ciyaareyso kooxdiisii hore xili ciyaareedkaan ay tahay mid lagu murugoodo. Inkastoo tababare Louis Van Gaal uu kooxdiisa u hogaamiyay kaalinta sadexaad ee horyaalka hadana in badan ayaa la dhaleeceeyay qaabka uu kooxdaan u ciyaarsiiyo.



Sidoo kale kabtankii hore United Gary Neville ayaa dad badan ka yaabsaday markii kooxdiisii hore la barbardhigay meel qamri lagu cabo isagoon ku faraxsaneen habka uu macalinkaan wax u maamulo, halka Paul Scholes isna uusan ku faraxsaneen.

Paul Scholes ayaa qormo ku qoray Independent kadib guul ay United ka gaartay Burnley wuxuuna ka dhawaajiyay in qaar ka mid ah xidigaha Man United waqtigii Ferguson ay ahaayeen kuwa ugu muhiimsan dhanka weerarka, balse markaad rabto inaad kubad heysato waa inaad qatar gasho halkii aad gool ka dhalin laheed.

Sidoo kale Scholes wuxuu maqaalkiisa ku muujiyay iney tahay murugo in xiligaan la daawado kooxda uu maamulo Louis Van Gaal isagoo qiray in laga ciyaar wanaagsanaa kulankii ay Burnley garaaceen todobaadkaan bartamahiisa.

Ugu dambeyntii Paul Scholes ayaa qiray in mar walba ay tahay in kubada lala ciyaaro weerarka si kooxda kale qataro loo galiyo halkii daafaca iyo dhexda lagu cel-celin lahaa

conatct@afkashacabka.com