Gadiid Millateri oo Qayb ka ah Howlgalka AMISOM oo soo Gaaray Beledweyne

0
Friday February 13, 2015 - 17:45:10 in by Burco Office
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gadiid Millateri oo Qayb ka ah Howlgalka AMISOM oo soo Gaaray Beledweyne

    Agab millateri oo hordhac u ah qaybtii labaad ciidan ka socda dalka Jabuuti oo ka mid noqonaya AMISOM ayaa maanta gaaray xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agab millateri oo hordhac u ah qaybtii labaad ciidan ka socda dalka Jabuuti oo ka mid noqonaya AMISOM ayaa maanta gaaray xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Agabkan oo u badnaa gadiid dagaal ayaa waxaa kusoo dhaweeyay xarunta AMISOM ee gobolka Hiiraan, maamulka gobolka, iyo saraakiisha ciidammada midowgga Africa ee ka kala socda dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta xilli uu ku sugnaa xarunta taliska AMISOM ayaa sheegay in ka mamul ahaa siweyn u soo dhaweynayaan ciidammada dheeraadka ah ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaa oo ku biiri doona ciidamadii horay u sii joogay gobolka.

''Aad baan ugu faraxsannahay ciidammada kusoo biiraya howlgalka AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaa oo qeyb-weyn ka qaadan doona howlgalka guud ahaan ka soconaya gobollada dhexe,” ayuu yiri C/fataax Afrax.

Sidoo kale, Col Cismaan Dubad taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa dhinaciisa sheegay in agabka militari ee maanta soo gaaray, hor dhac u yihiin ciidammo ka socda dalka Jabuuti oo intooda badan la fillayo in maalinta bari ah soo gaaraan gobolka, isaga oo intaa ku darray dadka Soomaaliyeed faraxad-weyn u tahay in arkaan ciidammo ay kula hadlli karaan afkooda u soo gurmanaya.

''Dabcan waxaa hubaal in ah dadka Soomaaliyeed ku faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada ka socda Jabuuti, laakiin dhinaca kale waxaa ka naxaya arrintaa cadawgga oo aan ogoleyn in dhibaatada maanta jirta laga baxo,'' ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Tirada ciidamada dheeraadka ah ee la fillayo in ay ku soo biiraan howlgalka AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan illaa 1000 askari oo dhamaantood ka socda dalka Jabuuti.

Horay waxaa dalka Jabuuti uga joogay gobolka ilaa 1000 askari, kuwaa oo ka howlgala magaalada Beledweyne iyo degmada Buula-burte oo sanadkii hore lagala wareegay Al-shabaab.

conatct@afkashacabka.com