Tirada Sooomaalida Ameerikanka ee ku biiray ururka Daacish oo la shaaciyay

0
Friday February 13, 2015 - 17:53:16 in by Burco Office
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Sooomaalida Ameerikanka ee ku biiray ururka Daacish oo la shaaciyay

    Wargayska kasoo baxa dalka UK oo lagu magacaabo The Daily Mail ayaa baahiyay warbixin uu sheegay inuu kasoo xigtay hay'adaha sirdoonka Maraykanka oo sheegaysa tirada dhallinyarada Soomaali-American-ka ah ee u dagaalama ururka Daacish/ISIS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargayska kasoo baxa dalka UK oo lagu magacaabo The Daily Mail ayaa baahiyay warbixin uu sheegay inuu kasoo xigtay hay'adaha sirdoonka Maraykanka oo sheegaysa tirada dhallinyarada Soomaali-American-ka ah ee u dagaalama ururka Daacish/ISIS.


Warbixinta ayaa sheegaysa in 15 ruux oo Somali ah oo gobolka Minnesota ee Mareykanka ku noolaa ay hadda ku sugan yihiin magaalooyin ku yaala Ciraaq iyo Suuriya; iyagoo ka barbar dagaalama kooxda ISIL.

Xubnaha illaa hadda la aqoonsaday waxaa ka mid ah; C/raxmaan Maxamed oo ka mid ahaa Soomaalida Minnesota, isagoo mar uu u warramayay Radio ku yaalla Maraykanka uu sheegay inuu ku sugan yahay Muusil iyo Tikrit oo ka tirsan dalka Ciraaq, uuna u dagaalamo Daacish.

"Anigu waxaan rumeysanahay inaan u dagaalamayo Alle dartiis,” ayuu yiri C/raxmaan oo u warramayay Idaacadda Minnesota Public Radio oo ku taalla gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee dalka Mareykanka.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa iyaguna sheegeen inay hayaan tirada 15 ruux oo Somali-American ah oo u dagaalama ISIL, laakiin ay jiraan dad kale oo aan Somali ahayn oo iyaguna Mareykanka ka tagay una dagaalama kooxdan.

Sidoo kale, dhallinyaro Soomaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar oo iyaguna ka soo tagay dalalka Yurub qaarkood sida Ingiriiska ay ku biireen DAACISH, kuwaasoo la sheegay inay ka dagaalamaan dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Ugu dambeyn, hay’ad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa warbixin ay habeen ka hor baahisay ku sheegtay in kooxda ISIL ay ku biireen sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka in ka badan 20,000 oo dagaalyahan.

Si kastaba ha ahaatee, Daacish ayaa wuxuu horay u ballanqaaday in ay u dagaalamayan sidii ay Ciraaq iyo Siiriya ay ugu soo rogi lahaayeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

contact@afkashacabka.com