Hogaamiyayaasha Qaaradda Yurub Oo Shaaciyey In Ay Suuragal Tahay Cunna Qabateyn Dheeraad Ah Oo Ay Saraan Dawlada Ruushka.

0
Friday February 13, 2015 - 21:06:50 in by salman abdi
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyayaasha Qaaradda Yurub Oo Shaaciyey In Ay Suuragal Tahay Cunna Qabateyn Dheeraad Ah Oo Ay Saraan Dawlada Ruushka.

    Ra'iisul Wasaaraha Dalka Jarmalka, Angela Merkel, Waxa Ay Tilmaamtay In Fursadda Cunna Qabateynta Ka Dhanka Ah Ruushka Ay Sii Furnaaneyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Dalka Jarmalka, Angela Merkel, Waxa Ay Tilmaamtay In Fursadda Cunna Qabateynta Ka Dhanka Ah Ruushka Ay Sii Furnaaneyso

 Hogaamiyayaasha Qaaradda Yurub Ayaa Waxaa Ay Sheegan In Ay Surto Gal Noqon Karto In Cuno Qabteen Dheeri Ah La Saaro Ruushka Haddii Aysan Si Wanaagsan Uga Shaqeynin Heshiiska Xabad Joojinta Ee Laga Gaaray Dagaalka Bariga Ukraine.

Ra'iisul Wasaaraha Dalka Jarmalka, Angela Merkel, Waxa Ay Tilmaamtay In Fursadda Cunna Qabateynta Ka Dhanka Ah Ruushka Ay Sii Furnaaneyso, Haddii Heshiiska Xabad Joojinta Ee Bariga Ukraine Aan Loo Hogaansamin.

Waxa Ay Hadalkaasi Ka Sheegtay Shir Jaraa’id Ay Ku Qabatay Magaalada Brussels.

"Aad Baan Uga Warqabnaa Inay Jviraan Weli Dadaallo Badan Oo U Baahan In La Sameeyo, Taasina Waa Sababta Ay Fursadaha Jawaabta Oo Dhan U Furnaanayaan. Haddii Ay Si Wanaagsan U Meel Marto Waan Taageereynaa Hanaankan.” Ayey Tiry Mrs Angela Markel.

 

Xabad Joojinta Ee Ukraine Waxa Ay Bilaabaneysaa Saqda Dhexe Ee Habeenka Sabtida.


Waxayna Intaa Ku Dartay, "Waana Ka Mahad Celineynaa In Taasi Laga Warhayo, Haddii Ay Dhaqan Gali Waysana Ma Hor Istaageyno In Cunna Qabateyn Dheeraad Ah La Saaro Ruushka Iyo Mucaaradka Ukraine."

Dowladda Mareykanka Ayaa Tallaabadaasi Waxa Ay Ku Qeexeysaa Inay Tahay Arrin Aad Muhiim U Ah Oo Dhanka Nabadda Loo Qaaday.




Contact@afkashacabka.com