Xisbiga UCID oo ku Taliyey Haddii Doorashada Madaxtoyadu Dib u Dhacdo in la qabto Doorashada Golaha Wakiilada

0
Saturday February 14, 2015 - 09:58:25 in by salman abdi
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID oo ku Taliyey Haddii Doorashada Madaxtoyadu Dib u Dhacdo in la qabto Doorashada Golaha Wakiilada

    Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa gaashaanka ku dhuftay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa gaashaanka ku dhuftay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada.


Xisbiga UCID waxa kale oo uu Golaha Wakiilada Somaliland ku eedeeyay inuu muddo kordhin ku fadhiyaan kuraasta, isla markaana ay habboon tahay in la qabto doorashada Golaha Wakiiladda maadaama oo laba jeer loo kordhiyay, sidaasna waxa bayaamiyay Xoghayaha Arrimaha Bulshadda Xisbiga UCID Mr. C/raxmaan Axmed Cali oo mowqifka xisbigooda ka sheegay dood uu TV-ga HCTV habeen hore u qabtay siyaasiyiin ka socday saddexda xisbi qaran.

"Doorashaddu waa laba ha’yadood oo kala ah xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda, Golaha waxa hore loogu kordhiyay laba jeer oo loo kordhiyay oo daalac la socdo, halka xukuumadda shan bilood mudadoodii ka hadhsan tahay oo aan waxba hore loogu kordhin, sidaas darteed, waxaanu aaminsan nahay xisbi ahaan in la soo horaysiiyo doorashadda Wakiiladda ee hore muddo kordhinta looga sameeyay ee daallaca ku fadhiya,”ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Arrimaha bulshadda ee xisbiga UCID C/raxmaan Axmed Cali.

Masuulkan u hadlay xisbiga UCID, waxa uu sheegay inaanay aqbalaynin in mar ha la wada qabto doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Madaxtooyadda, waxaanu ku dooday inay aaminsan yihiin in sidii ay u kala horeeyeen labadaas doorasho oo kala qabto.

Mawqifka xisbiga UCID ka istaagay in la isa saaro oo mar la wada qabto doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda, waxa uu ka hor imanayaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo iyagu olale balaadhan ugu jira in hal mar la wada qabto, waxaana fikradaasi keenay Guddoomiye Cirro oo doonaya inuu Golaha Wakiiladda ku sii fadhiyo muddo kordhin, kana soo horjeeda in xukuumadda muddo kordhin loo sameeyo haddii ay suurto-gal noqon waydo in doorasho dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadkan.


 Contact@afkashacabka.com