HAKU SHIILMIN AAKHIRO W: Curisay Kaltun Mahmed Muse

0
Saturday February 14, 2015 - 10:50:06 in by salman abdi
  • Visits: 1167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAKU SHIILMIN AAKHIRO W: Curisay Kaltun Mahmed Muse

    Maansadan maga ceedu waa HAKU SHIILMIN AAKHIRO waa bayd ka mida maansada oo Digniin ah waxay ku socotaa dhaman Bulshada gaar ahaan Suxufiyiinta iyo siyaasiyiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan maga ceedu waa HAKU SHIILMIN AAKHIRO waa bayd ka mida maansada oo Digniin ah waxay ku socotaa dhaman Bulshada gaar ahaan Suxufiyiinta iyo siyaasiyiin


Ninka xumaha qora iyo 
Suxufiga xorta ahaw
Ninka xeelad sheegt iyo
Xusbi iyo Siyaasaw
Mar hadaa xilqaadeen
Umada u xamaashaan
Waa in aad xaq dhawrtaan

Waxa xiisad kicin kara 
Amnigana xumayn kara
Shacbiguna xamili Karin
Shaqadana xayiri kara
Sharaftana xawili kara
Shaydaanka xoog tara
Shuf tadana u xiise ah
Cadawgana u shaafiya
Waa in aad shagaashaan

Ilayn shaama reerne
Shir gudoon samaystoo
Wax kastoo shil dhalin kara
Shaa shada ha keenina

Shada kale waxay tahay
Sheeg sheega khayrkoo
Shib ka dheha xumaantoo
Shar wadeen ha noqonina

Shay kale xasuusoo
Kinii shax dhigayiyo
Midka been shu shubayee
Buun buunsha hadalada 
Rabbi baa u shaahida
Bulshadaa shuhuud u ah
Isagaan ka sheelayn
Shay dunida yaalaa
Sharicigana u soo rogay
Shaan dhaynta aadmaha
Kuu sheegay amarada
Shaydaanku kaa diray

Waxba yaan shubaahine
Ifku waa shan maalmood
Waxa aad shaqaysaad
Shirwaynaha la tagaysaa
Haku shiilmin aakhiro

Shay aan ku siyee
In aad shaakir noqotaan
Rabbigiin shucuurtaan
Shaydaanka naartaan 
Shacab kana shifaysaan
Shalawgana dabooshaan
Cadawgana shareertaan
Sharaf tiina weeyaan


W/Curisay Kaltun Mahme Muse

Burco Somaliland