Waa Talaabo Geesinimo Go'aanka lagu Mamnuucay TV-ga Universal

0
Thursday February 06, 2014 - 17:36:46 in by Super Admin
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Talaabo Geesinimo Go'aanka lagu Mamnuucay TV-ga Universal

    Hadaaqii Caruurta iyo Xikmad darada ka soo baxyay, Tv-ga universa, gaar ahaana uu bilaabay baryihii ugu danbeeyay waxay ahaayeen kuwo aad loola wada yaabanaa, dhabanadana laga wada qabsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaaqii Caruurta iyo Xikmad darada ka soo baxyay, Tv-ga universa, gaar ahaana uu bilaabay baryihii ugu danbeeyay waxay ahaayeen kuwo aad loola wada yaabanaa, dhabanadana laga wada qabsaday.

Waxa telefishankaasi bilaabay faro galin qaawan oo uu ku samaynayay, jiritaanka iyo qaran-nimada Somaliland, waxa kale oo uu meel ka dhac iyo fool xumo kula kacay madaxwaynaha Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), oo ah madaxwayne Shacabkiisu doorasho xaq iyo xalaala ku doortay.

Cid kasta oo fara galin ku samaysa qaranimada Somaliland u dul-qaadan mayno waxaana waajibkooda Marinaya masuuliyiinta u xil saaran, waxaanan cidii faraha la gasha qadiyada Somaliland aan u sheegayaa inay ka shalayn doonaan, sababtoo ah, kumay iman Qaranimadu bilaash, Halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray ayaa lagu beeray xididdadeeda oo loo huray.

Ninka haysta Universal Tv, waxa la gudboon hadduu doonayo inuu wax saxo ama cid u hiiliyo, inuu diirada saaro, qoomiyada uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, oo dhibta iyo gumaysiga ku haysta Muqdisho gaal iyo islaam-ba wada og yahay.

Laakiin yaanu ku meeraysan Somaliland iyo arrimaheeda inuu faraha la soo galo, waxaanan xasuusinayaa in qaladkani ahaa kii labaad ee uu ka galo dalka iyo qarin-nimada Somaliland.

Somaliland iyadoo ixtiraamaysa xoriyatul qawlka iyo saxaafada madaxa banaan, waxa ay Telefishanka Universal, hore uga saamaxday khalad cadaan ah oo uu ku kacay, waxaanay taasi u ahayd fursad ay kaga digtoonaan kari lahaayeen khalad kale inay ku kacaan, laakiin waxa cad in markii hore iyo imika labada jeerba ula kac u sameeyeen, ayna muujisteen heerka cadawadu ka gaadhsiisan tahay.
Isku soo wada duubo waxaan ku soo gaba gabaynayaa, hambalyo iyo bogaadin aan u dirayo wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta Somaliland Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), talaabada uu ruqsadii kaga qaaday telefishanka Universal, taas oo aan ku tilmaami karo, mid sidii ugu haboonayd loo qaaday wakhtigii ugu haboonaa.

 

Wasiir Cukuse Waajibkooda ayuu mariyay, waa in umada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay iyaguna telefishankaas, ka joojistaan wada shaqaynta macaamilkii iyo adeegii ka dhexeeyay, sababtoo ah? Waxay caadaysteen, Nacayb iyo dagaal ku lid ah qaranimadeena.

Geesta kale waxa wax lala yaabo noqday Axsaabtan mucaaridnimada macnaheedii garan kari la’ ee difaacaya xitaa wixii qaran-nimada lidiga ku ah ee ka soo hor jeeda sida guddoomiyaha xisbiga UCID, oo taageeray Tv-ga universal ee danbiga ka galay qaranimada Somaliland.

Ka waantooba Ayaan ku odhan lahaa xisbiyada Mucaaridka Somaliland inaad wax kasta iska dhex dabaalataan, qolyaha Somaliyana waxaan u sheegayaa oo aan ku odhan lahaa, waar Waanu Tashanay Go’aankayaguna ma aha mid gorgortan gali kara, waana go’aan Shacbi oo lama taabtaan ah, ee tiina ka tashada, oo iyadoo lagu jiro qarnigii 21aad horumarna loo baratamayo, ayaad gumaysi afrikaan madow ku jirtaana tiina meel ku tiirsada.

Wabillaahi Tawfiiq

Axmed Muxumed Geele Seed