Caashaq inaabti galay cillankiisa lama saaro.. . W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

0
Sunday February 15, 2015 - 08:15:23 in by salman abdi
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caashaq inaabti galay cillankiisa lama saaro.. . W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

    Sida dhaqanka Ummada lagu aqoon jiray waxa dhaamka kaxeeya dumarka, saddex afar awr oo laba dhoomo horaad iyo laba dhoomo dabeed labada dhinac looga kala riday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida dhaqanka Ummada lagu aqoon jiray waxa dhaamka kaxeeya dumarka, saddex afar awr oo laba dhoomo horaad iyo laba dhoomo dabeed labada dhinac looga kala riday,


Dhulku waa abaar, waxa isku shiirmay cirka iyo dhulka, omaska dhulka ayaa dhirtana saaran, indhaha raranka gubayaa waa arag xumida jiilaalku baday dhulka, sidaad u aragtaa xayaabkii dhirta ka daadan jiray waa adagtahay,dhibbiishii cadaadda iyo bilcilka haba sheegin, dhaameel iyo gaydhe hadalkiisa daa, madheerta la jiidaa xaab kama qaaddo, lugtaada ayaa hoos u ruubanaysa omaska, kulaylka qoraxda waad ku haararyoonaysaa, waa kaliil ragaad iyo qodaxi taal. waxa aan biyo lagu oggayn baliyadii, haddii laga taggi waayo dhul baraageedka ayaa laba saddex sallaan lagu sheegaa.

Sida dhaqanka Ummada lagu aqoon jiray waxa dhaamka kaxeeya dumarka, saddex afar awr oo laba dhoomo horaad iyo laba dhoomo dabeed labada dhinac looga kala riday, waxa uga hooseeyana yahay heeryo ka samaysan qobtal, koore iyo abjad, laguna giijiyey cayn, yeel, beyd iyo dabogalis ayey hoggaanka u qaban jireen, lama waayi jirin wiil ceelasha aan ka foggaan oo doolaalo tag ah, horraa loo yidhi ninku doolaalo dheeraa ma doob halo la joogaa. Ruun waxay ahayd midda dhaanka kaxaysay, muddo waxay dhexda ku jirtaba waxay gaadhay degalkii baraaguhu ku yaaleen, waxay kala furtay saddexdii awr ee iskugu xidhnaa, inta ayna wax kale bilaabeen waxay u holatay inay awrta waraabiso kadibna dhaamka fushato, nasiibkeeda wacan waxay is heleen wiil u taagnaa inuu jeedaaliyo wax ceelka dulyimi inuu helo, waa haasaawe tag, Geedi waxay ilmaabti noqdeen inanta, burkaba bahal kama dayin, oo maxaa inaabtida ka fiican, Soomaalida wax kale uguma baxdo, inay isdugsadaan laba ilmaabi ahi maxaa ka kalgacal badan, sheekaduba iyagay iskugu baxdaa.

 

Geedi: Ruun ii waran walaale, dadkii iyo ummadiiba ma nabad qabaan

Ruun: Haa Geedi, waa la wacan yahay, waana la badqabaa ee idinku sideed tihiin

Geedi: wax aan lagu waarayn ayaa lagu sugan yahay, iiga warran edaday Canbaro oo aad u jeclahay

Ruun: aad ayey u fiicantahay, wax aan jiilaal ahayn waanu ka ladannahay dhammaantayo

Geedi: Inaabti labadii mar kulantaa haddii balankeed alle leeyahay innay markale kulmaan waa daruuriye (inta uu guntiga gaabsaday ayuu ula kala baxay waadaantii inuu ugu dhaamiyo, awr kasta inta uu soo fadhiisiyey ayuu dushooda ku dhaaminayaa).

Ruun: iyada oo qajil ka muuqdo dareensanna dulucda haasaawaha uu bilaabay ayey si dhoollo caddayn ah u tidhi waa run, labadii mar kulantaaba wakhtigu haddii isku simo dib ayey u kulmaan

Geedi: isaga oo tii dhaadheerayd daldalaya ayuu ugu muuseeyey, Inaabti waad ku banaantahay edaday, waxaanan ballan qaaday hablaha Eddo dhashay inaan mid ka mid ah guursado, waxaan hore ugala sheekaystay aabbahay, isna waa u riyaaqay, dee nasiib wanaag calafku waakan inna kulmiyey ee hawraartaa maxaad ka tidhi.

Ruun: waad igu kadisay hadalka Geediyow, waxna ma diidani, waanad ogtahay jiilaalka dhacay, cidi is haleelimayso, roobku ha inoo da’o

Geedi: inta uu hoos u yidhi: "allaylehe way kuu ciddantahay kol haddii madaxa la guu ruxay” waa inoo ballankaas, iguna salaam edaday iyo caruurtii aanu ilmaabtiga ahayn

Ruun: haye intay tidhi awrteedii isku xidhiidhsatay, la is nabad galyee

Reer miyigu waxay xoolaha kala simanyihiin qooqa, inta badan colaaddu ma huranto jiilaallada, marka awrku qooqo, orgigu qalaado, ridu orgoodto, hashuna abaaho doonto, ayey ragguna murjin iyo qori marba wixii ay haystaan kor u qaadaan, kii gabadhi u calmanayd uu doontaa, markay caanaha dhammaanna sida raha u xareediyaan, mid cayaar guda, mid aroos dhigta iyo mid geeraaraba.

Markii dhulkii ka dooggay abaartii xumayd, xoolihiina dhogor dhacsadeen ayaa labadii qabiil ee Ruun iyo Geedi ka soo kala jeedeen waranka isku qaateen, birta ayey iska asleen, dagaal la gu hoobtay ayaa dhexmaray, waxa naftii waayey Geedi, waxa kale oo birta laga aslay dad tiro beel ah.

Waxa baafin iyo toyasho ka dhex bilaabantay intii isku ciidan ahayd, maxaa raq iyo ruux la hayaa, hebel iyo hebel ma la hayaa, tiring iyo raaddin ayaa loo kacay, waxa dhammaan la helay wixii birta laga aslay iyo wixii dhaawac noqday, waanna la xabaallay, waxa kale cid waliba u sirdoon diratay innay oggaato colkay is hayeen siday wax u gaadheen, dadkii la yaqaanay in qoorta loo dheereeyey iyo in kale.

Ruun waxay ka war heshay Geedi in nolasha la dhaafiyey, in tolkeed ciddankeedii ka galaafteen, muraaradilaac waynaa, miyey iska barooran kartaa sow ishu qaban mayso, sow lagu oorrin maayo, sow ceeb uma soo jiidayso tolkeed mid cadow ugu qornaa dilkiisa in loo ooyo halkii loogu mushxaradi lahaa.

Dareenka ay muujisay ka xumaanshaha Geedi waxa dareensan hooyadeed Canbaro, waxay ka war haysay innuu reerka dhaamka u soo raray xilli ay Ruun dhaamka kaxaysay, salaantii iyo siday isku warsadeen labadoodu waa loo sheegay Canbaro.

Canbaro waa hooyo, hooyana waxa lagu ogyahay u xilqarinta caruurteeda, marna ma jeclaysato hadday doqonnimo ku ogtahay caruurteeda in la oggaado, waa hubaal hooyo inay beer tahay, wayna dareensantahay dumarka in tixgalin badan dhaqan ahaan la siin, gabadhi waa reerkay u dhaxdo oo abtir ma leh, gurmad uma fidin karto se way tahli gartaa cadowga laynaya reerkay ka soo jeeddo inay biyaha iyo raashinka ugu roonnaato.

Canbaro qiimo wayn ugu ma fadhiyo inay u ooydo wiilka walaalkeed dhalay, waxayse qiimo u leh gabadhay dhashay inay u xil qariso, waxay dhagta soo qabatay orgi inna yarey ah, markii ay qowracday waxay ugu magac bixisay in axankii wiilka edada u tahay, wax oohin u egna way iska keentay, Ruun iyana waxay fursad u heshay oohinta inay kor u qaato oo ciilka caloosha buuxa inay isa soo dhaafiso.

Waxay hablihii lodkeeda ahaa ka war heleen Ruun inay wali hiq leedahay, haddii si hoose la isku warsadayna waxa soo baxday Geedi inay u ooyeyso, oo horta heedhe geeridiisii sowtii muddo ka soo wareegtay, wager oo maxay intaas oo dhan la hiq leedahay, mayna oggayn hebel iyo hebel oo la dhashay iyada in dilkoodii isaga loo aannaynayo, ma isaga oo tolkeen naf u hayey, imisa ayaa gacantiisa ku maqan, halla oggaado Ruun waxeedu inaabti ka wayne…

Cibaado: ma barideen

Canbaro: waannu barinee idinku ma barideen

Cibaado: naa Canbaro waxan oo oohin ahi maxay ahayd, yartaada maxaa haya

Canbaro: Cibaadooy inantaydu waa mid lexjeclo badan, intaa wax kale lama hiq laha, orgigii yaraa oo ahaa mid ay jeclayd, ee wiilka aan edada u ahaa dhimashadiisii u qalay ayey la ooyeysaa, hadda ridii dhashay ee yarayna iyada ayaaba gaar u sheegata, ilaahay uun baa oggaa sida aan dhegta u soo qabtay orgigaa waan ka qariyey intii hore, markay haraggii iyo madaxiisii aragtay oohinta iyo cadhaday qaatay wali waadigaa arkaya.

Cibaado: naa Canbaro ma labadeena ayaa waxaa iskula nimaadna, naa baroortu orgiga ka wayne wax kale maad sheegtid.

Caashaq inaabti galay cillankiisa lama saaro..



***********************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh..