Khadra X.Gaydh: Xiddig Ka Dhex Hilaacday Haweenka Somaliland - WQ: Hamse Rantiisi

0
Sunday February 15, 2015 - 08:21:20 in by salman abdi
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khadra X.Gaydh: Xiddig Ka Dhex Hilaacday Haweenka Somaliland - WQ: Hamse Rantiisi

    Ugu horeyn Mahad oo dhan aan u celiyo Rabbi SWT oo ay isaga kaligii u sugnaatay. Aan hoos u daadego, dulucdana abaaro'e,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn Mahad oo dhan aan u celiyo Rabbi SWT oo ay isaga kaligii u sugnaatay. Aan hoos u daadego, dulucdana abaaro'e,

Qalinkeygu wuxuu daaran yahay tilmaan kooban oo aan ka bixin doono mid ka mida halyeyda haweenka Somaliland calanka u sida. Tolow waa tuma taasi? Bal Adba!.Marka xigtana aan salaan qiimaheeda leh hawada u mariyo akhristayaasha sharafta leh ee ku xidhan maqaaladeyda iyo guud ahaanba akhristayaasha shabakaddan.

Garateen oo ciwaanka sare ku xusan ayuu magaceeda dheemanka ahi ka muuqdaa, waa Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh). Khadra Xaaji Gaydh waa mas’uul la yaqaan, taariikhda dahabka ah ee ay leedahayna waxa igaga filan inay tahay Gabadhii u horeysay taariikhda Somaliland ee xildhibaan iyo mayorba noqota, oo miyaaney jirin dumar kale oo xildhabaano noqdey waa su’aale? Bal Adba! Haa dabcan wey jiraan lakin khadra x. gaydh waa ta hormuudka u ah dumarkaas maanta xildhibaanada ah, waayo dimuqraadiyada doorashooyinka Somaliland ayay khadra la kowsatay.

 

Doorashadii u horeysay ee Somaliland ka qabsoonta(Dorashadii Goleyaasha Deganka) 22 Dec 2002, ayay khadra ka mid noqotey xildhibaadii ugu horeeyay ee doorashadas u tartama, kuna guuleystay, guul kaliya mey gaadhine guul guul daba taal ayay gaadhay. Waxay noqotey haweeneydii kaliya ee ku soo baxday doorashadaas. Dumar tartama oo siyaasad hawaysta, qariib bey ahayd iyo filan-waa loo caal waayay, Khadra Se waxay noqotey haweeyneydii rikoodhkaas jabisay. Eesh Qiyaasak!

Aan hore u socdo, oo qalinkeygu ha idin dul geeyo taariikh kale oo dahabiya oo khadra X. gaydh mar kale xidhay. Halkaas aan ku yar hakado, haweenku meel aanay hiigsan jirin iney hiigsadaan ma qariib baa waa su’aale? Meel aaney gaadhi jirin iney gaadhaana ma mucjisaa? iyana waa su’aal kale.

Oo sowkii Hadraawi lahaa markuu ka hadlayay inuu qofku meel hiigsado:

Subax dhalatay caadkeeda
Ha ka bogan wax saarkeeda
Adiguba samee maanta
Berritona sargoo heedhe
Noloshaba inaad saafto
Qaabayso saabkeeda
Waxaan suura gelin maaha


Khadra Xaji Gaydh tolow hadaa miyaaney labadaas arimoodba samayn? Haa wey sameysay, waayo ta kowaad waan soo tilmaamey, tan labaadna waa iyada oo noqotey gabadhii u horeysay abid ee mid ka mida magaaloyinka Somaliland Mayor ka noqota. Iyana waa taariikh kale oo suntan. Eesh Qiyaasak!.

Kaalintii Ay ku Lahayd Horumarka Gabiley

Ma aha oo kaliya in Khadra Xaji Gaydh ay maayar (mayor) ka noqotey magaalo Somaliland ku taal, ee waxay mayor ka noqotey mid ka mida magaalooyinka S/land ugu waaweyn, uguna qadiimisan ee darajada "A” da ah. Waa magaalada Gabiley ee caasimada u ah Gobolka Gabiley.

Gabiley waa magaalo taariikh fog iyo fac weynba leh, waa magaalo istaraajiyad dhaqaale iyo siyaasadeedba leh, sidaas oo ey tahay, waa magaalo maamusha degmooyin saamayn badan leh oo ay ka mid yihiin degmooyinka Wajaale, Alleybaday, Arabsiyo, Geed-balaadh iyo Agabar.

Gabiley waa magaalo ay ku loolamaan siyaasiyiinta hanka madaxtinimo leh, isla markaana musharaxa hela codadka magaaladaasi uu ku guuleysto talada dalka, sida madaxweyne Siilaanyo oo kale.

Haddaba sida Gabiley saamaynta ugu leedahay S/land ayaa mas’uulka maamulaana saamayn u leeyahay.

Khadra Xaji Gaydh waxay noqotey mas’uul maamula magaalada Gabiley ku dhowaad Muddo Sanadda.

Sidaas oo ay tahay, Khadra Xaji Gaydh waxa ay Gabiley ka qabatey wax aan laga qaban intii ay jireen maamuladii iyada ka horeeyay, sidoo kale waxa ay jeexday tub ay raacaan maamuladii iyada ka danbeeyey.

Aan dul maro qaar ka mida waxyaabihii Khadra Xaji Gaydh ay ka hirgelisay magaalada Gabiley:

i.Dhisidda wadooyin magaalada dhex mara oo horey aan u jirin.

ii.Dayactirka iyo qurxinta xarunta dawladda hoose ee Gabiley.

iii.Dhisidda mid ka mida hoolalka shirarka ugu waaweyn Somaliland.

iv.Haqabtirka baahiyaha bulshada, sida biyaha iyo caafimaadka.

v.Taageerida jaamacada Tima-cada ee Gobolka.

vi.Dhisidda guriga martida.

vii.Baneynta jidadka xidhmey.

Ma maqli jirteen: Nina Dhuunuu kuugu dhaadhacay, Nina Dhaqashuu kuugu dhabar jabay.

Geb-gebo:

Waxba yuu qalinku ila taraarin ee aan soo afmeero, Khadra Xaji Geydh maaha mid waxqabadkeeda lagu soo koobi karo maqaalo iyo odhaaho, balse waa mid ka balaadhan taas.

Shacabka reer Gabiley ee xaruuriyiinta ahi waxay ka siman yihiin amaanta ay u hayaan maayarkoodii hore iyo waxqabadkii ay u horseeday.

Runtii ma aha mid la hilmaami karo guulaha balaadhan ee isdabayaal ee Khadra Xaji Geydh ku talaabsatey, xusuusta dadka reer Gabileyna waa mid aan ka guuri doonin.

Khadra waxa aan ku tilmaami karaa iney tahay astaan u taagan Mideynta Shacabka, waxqabadka bulshada iyo horumarka qaranka. Waana xidig u soo baxdey haweenka S/land.



Qalinka: Hamse Haji Mohamed (Rantiisi)

Email:rantiisi111@gmail.com

*************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadan xushmadeeda iyo xilkeedaba leh...