Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ka Warbixiyey Kormeer Uu Ku tagay Gobolada Bariga Somaliland.

0
Tuesday March 25, 2014 - 21:07:24 in by salman abdi
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ka Warbixiyey Kormeer Uu Ku tagay Gobolada Bariga Somaliland.

    Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Somaliland Mudane Mukhtaar Maxamed Cali, Ayaa Ka Warbixiyay Socdaal Uu Ku Tagay Gobolada Bariga Oo Ay Ujeedadiisu Ahayd Sidii Ay Usoo Tirakoobi Lahaayeen Hantida Dawladu Ku Leedahay Gobolada Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Somaliland Mudane Mukhtaar Maxamed Cali, Ayaa Ka Warbixiyay Socdaal Uu Ku Tagay Gobolada Bariga Oo Ay Ujeedadiisu Ahayd Sidii Ay Usoo Tirakoobi Lahaayeen Hantida Dawladu Ku Leedahay Gobolada Bariga.


Safarkan Shaqo Ee Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Ku Marayay Gobolada Bari, Ayaa Ugu Horayn Waxa Uu Ka Bilaabay Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Berbera, Waxaana Uu Xilkii U Kala Wareejiyay Isu-Duwihii Hore Iyo Isu-Duwaha Cusub Ee Wasaaradaasi Ku Leedahay Gobolka Saaxil, Halka Sidoo Kale Uu Isuduwaha Cusub Ku Wareejiyay Gaadhi Iyo Xafiis Cusub.


Agaasimuhu Isaga Oo Socdaalkiisii Sii Wata Wuxuu Gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer Ee Burco, Isla Markaana Sidii Halwgalkiisu Ahaa Waxa Uu Kormeer Ku Maray Xafiisyada Wasaarada Hawlaha Guud Ku Leedahay Magaalada Burco, Waxaanu Kulamo Wax Ku Oola La Qaatay Shaqaalaha Wasaarada. Waxaanay Ka Wada Hadleen Sidii Loo Xoojin Lahaa Hawlaha Shaqo Ee Ay Qaranka U Hayaan.

Mudane Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Waxa Uu Sidoo Kale Kormeer Ugu Kicitimay Magaalada Laascaanood Isagoo Halkaasi Xilka Ugu Kala Wareejiyay Isuduwaha Cusub Iyo Isu Duwihii Hore Ee Wasaarada Hawlaha Guud Ee Gobolka Sool Sidoo Kalena Waxa Uu Gaadhi Cusub Ku Wareejiyay Isuduwaha Cusub Ee Gobolkaasi.

Gabo-Gabadii Safarkan Dheer Ee Hawlaha Shaqo Uu Agaasimuhu Ugu Kicitimay Gobolada Bariga Somaliland Ayaa Wuxuu Kusoo Gabogabeeyey Magaalada Ceerigaabo, Waxanu Kulamo Muhiima Uu Kula Qaatay Magaalada Ceerigaabo Shaqaalaha Iyo Hawl Wadeenada Wasaarada Hawlaha Guud Ee Gobolka Sanaag Magaalada Ceeri-Gaabo.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta Mudane Mukhtaar Maxamed Cali Ayaa Safarkiisani Yahay Kii Ugu Horeeyey Intii Uu Xilkan Hayey Uu Ku Maro Gobolada Dalka Somaliland Gaar Ahaana Kuwa Bariga.


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com