Munaafaqnimada siyaasadda iyo Dhaqanada Cusub ee Dhalinyarada Maanta WQ: Mustafe Teacher

0
Sunday February 15, 2015 - 15:51:23 in by salman abdi
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaafaqnimada siyaasadda iyo Dhaqanada Cusub ee Dhalinyarada Maanta WQ: Mustafe Teacher

    Waano Walaalnimo iyo Wax isu sheeg oo galabta idin holladay walaalkiin mustafe magaalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waano Walaalnimo iyo Wax isu sheeg oo galabta idin holladay walaalkiin mustafe magaalo

Dadkii oo dhami inu siyaasi wada noqday waxad ku garanaysa, meel kasta oo la isugu yimaado, Tabaha iyo Taktikada ama xeeladaha siyaasinta aya la isku adeegsanayaa, waxad arkaysa sxb aad isku dhoweydeen in badan oo walaalka ruma kaga dhowaa oo reer Dabada gelinaya, aan kuuna Caddaysanayn qabyaaladiisa, waxad arkaysa hadii dood iyo sheeko idin dhex marto inu inta wanaagsan ee uu is leyahay wu kugu yaqaana kuu soo horreysiiyo, intii uurka iyo laabta kaga jirtayna uu dabadaada ka sheego, hadaad maalin runta u sheegtay ama kala aragti duwanaateen colaad hoose oo anu kuu muujinayn bu kuu qabaa,lakin midh midhka caqliga lihi wuu fahmaya waxyaabaha qaar u sameeyo, mararka qaar dad uu isku hallaynayo ayaaba fashiliya, marka ilaahban idinku dhaarshee sidee qarankani u hagaagaya oo qabyaalada loga baxayaa dad badnoo leh qabyaalada ha la iska daayo 90% Dhab kama ahee, miyaanay Munaafaqnimo iyo Duni rogmaysa ahayn? waxan kutalin laha qof kasta oo damiirkiisu shaqaynayo inu noloshiisa wax ka bedelo oo uurkiisa iyo afkiisu midoobo oo isku mid noqdo,oo hadduu is leyahay qabyalada wa lagu faaida u ban baxo sida dadka qaar ama madaxdhaqamedku ugu hadlan afka beelaha, hadu is leyahay wada jir iyo iskuduubni bulsho iyo aragti mid ah aya lagu faaidana uu taas kaga dhabeeyo oo uu walaalki, inaderki iyo sxbkii ba runta uu sheego, ra'yigisa iyo aragtidiisa saxda ahna adeegsado, miyay suro gal tahay hadan idha dadkuba waa sidaase an sida noqdo aniguna, dadka oo dhami haday xumaanta, qabyaalada iyo xaasidnimada jecel yihin keligaa ka duwanow, wan hubaa inaad helayso dad ku soo raaca oo ad u jidaysay jid sax ah, lakin haday kaa noqoto, isba qabyaalad bu ka shaqaynayaye maxa kaa galay adba ka shaqee, isba wa xaaside maxa kaa galay adba xaasid, isba xumaantiisa kuma tuse maxad adigu u tusi? wallahi horumar, wanaag iyo himiladaada inaad gaadhaa kaa dheer, rajo wanaagsan abuur keligaaba abuuri karee, dariiq saxa jeex keligaaba jeexi karee, umada wanaaga tus ha qaateen ama yay qaadane oo naftaada ka bilow, muddo kadib bal qiimee inaad wax ku faaiday iyo inaad ku khasaartay, 

Wa talo Walaalnimo oo an holladay maanta inan idin so gudbiyo 

walaalkin Mustafe Osman Magaalo oo Burco jooga.

mustafeteacher@hotmail.com
 
NB:
Wax xumee uma jeedo haddii ay cid si khaldan u turjumato ama qoraalkani cid gaar ah ku gefo ha la iga raali ahaado