Daawo : Madaxwaynaha Somaliland oo Ka Qayb Galay Qalinjebinta Ardayda Jaamacada Tima Cade ee Magaalada Gabiley

0
Sunday February 15, 2015 - 18:37:10 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo : Madaxwaynaha Somaliland oo Ka Qayb Galay Qalinjebinta Ardayda Jaamacada Tima Cade ee Magaalada Gabiley

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo. waxa uu maanta gabiley kaga qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Ardayda dhamaysatay waxbarashadii Jaamacada Timacade University, isaga oo halkaasina ka hirgeliyey mashaariico kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo. waxa uu maanta gabiley kaga qaybgalay Xaflada Qalinjebinta Ardayda dhamaysatay waxbarashadii Jaamacada Timacade University, isaga oo halkaasina ka hirgeliyey mashaariico kala duwan.

Madaxweynaha oo intii uu ku gudo jiray jidka u dhexeeya hargeysa ilaa Gabiley, ay shacbiga deegaamadaasi si weyn ugu soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa dhex lugeeyey dadweyne tiro badan oo soo buux dhaafiyey wadooyinka Arabsiyo dhexdeeda.

ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca gabiley oo ay shacbi tiro badani tubnaayeen Kaantaroolka ilaa jaamacada inta u dhaxaysa, kuna soo dhawaynaayey madaxweynaha hadalo kala duwan oo ay ku muujinayeen dareenkooda wadanimo, jacaylka ay u qabaan madaxweynaha iyo xukuumadiisaba.

intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu gaadhay goobta lagu qabanaayey xaflada jaamacada ee lagu sagootiyaayey ardayda sanadkan dhamaysay aqoontooda jaamacadeed isaga oo madaxweynuhu shahaadooyina gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay Faculty-yadooda iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeyey jaamacada Timacade sanadkan.

Waxa kale oo halkaasi uu madaxweynuhu shahaado sahraf gudoonsiiyey Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed oo ah gudoomiyaha Jaamacada Amoud University oo ay jaamacada Timacade u aqoonsatay Aabaha jaamacada Somaliland.

Intaasi ka dibna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhismeyaal iyo wadooyin kala duwan oo ay ugu horeeyeen Dhismaha Hool weyn oo jaamacada Timcade yeelan doonto oo ay maantaba ku qabsatay Xaflada qalinjebinta jaamacada, furitaanka Cusbitalka Dhimirka oo laga hirgeliyey gabiley, waxa kale oo uu madaxweynuhu furay dhismeyaal lagu kordhiyey cusbitalka TB ee Gabiley, isaga oo ku guda jira mashaariicda gabolka ka hirgalayna waxa uu xadhiga ka jaray iyana waddo isku xidhi doonta magaalada iyo xabaalaha.

Halka uu madaxweynuhu dhagax dhigay wado casri ah oo loo qorsheeyey inay isku xidho gudaha magaalada gabiley, iyo waddo iyana nooceedu ku cusbaandoono dalka taasi oo noqon doonta waddo laba haad ah balse dhexdeeda ay hadhsan doonaan shacbigu, baabuurtuna ay dhinacyada uun ka maridoonto.

Intaasi ka dib waxa weftiga madaxweynuhu u soo amba-baxeen dhinaca arabsiyo oo madaxweynaha loogu qado sameeyey dooxa weyn ee arabsiyo beer ku taal oo runtii aad loo soo agaasimay, xafladaasi ka dibna uu madaxweynuhu uga mahadnaqay degmada arabsiyo sida qiimaha badan ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa ugu qado sameeyeen. 


Contact@afkashacabka.com