Puntland Oo Ku EedeysaySomaliland Inay Xidhiidh La Leedahay Al-shabaabta Buuraha Galgala

0
Tuesday March 25, 2014 - 21:14:36 in by salman abdi
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Ku EedeysaySomaliland Inay Xidhiidh La Leedahay Al-shabaabta Buuraha Galgala

    Maamul Gobolleedka Puntland, ayaa markii lagaga guuleystay dagaalkii siyaasadeed iyo kii Milatari ee Somaliland ka dhexeeyay waxay dawladda Somaliland ku eedeeyeen inay la shaqeyso Al-shabaabta buuraha Galgala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamul Gobolleedka Puntland, ayaa markii lagaga guuleystay dagaalkii siyaasadeed iyo kii Milatari ee Somaliland ka dhexeeyay waxay dawladda Somaliland ku eedeeyeen inay la shaqeyso Al-shabaabta buuraha Galgala.


Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo la hadlay idaacad ku taala Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Somaliland cudud ahaan u taageerayso Al-shabaabka Galgala oo ay la leedahay iskaashi dagaal oo ka dhan ah Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland, ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday Madaxweynaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in safarkii Madaxwaynuhu ku tagay Bariga Sanaag uu ahaa mid Al-shabaabta Galgala dani u jirtay "Dunida oo dhan way ogtahay waana qar iska xoornimo” ayuu yidhi, Wasiirka Amniga Puntland oo xaqiiqooyinka jira iska indho tiraya.



Afkashacabka.com

Garowe /Office

Contact@afkashacabka.com