Wasiir Warancade oo Xadhig ugu Hanjabay Wasiirka Amniga Puntland haddii uu soo Maro Madaarada Somaliland, Shirkadaha Diyaaradahana uga Digay inay soo Qaadaan

0
Sunday February 15, 2015 - 18:53:34 in by salman abdi
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Warancade oo Xadhig ugu Hanjabay Wasiirka Amniga Puntland haddii uu soo Maro Madaarada Somaliland, Shirkadaha Diyaaradahana uga Digay inay soo Qaadaan

    Dawladda Somaliland, ayaa si kulul ugu jawaabtay Maamulka Puntland oo shalay ku eedeeyay inay taageerto kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab, kuwaasi oo dhibaato ku haya Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Somaliland, ayaa si kulul ugu jawaabtay Maamulka Puntland oo shalay ku eedeeyay inay taageerto kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab, kuwaasi oo dhibaato ku haya Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Cali Maxamed Waran cadde oo maanta u waramay Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in wasiirka amniga ee Puntland uu Somaliland kula soo galgalanayo hawlihii amni oo uu sheegay inuu ku fashilmay, sidaa daraadeedna dawladda Somaliland xidhayso haddii uu cagaha soo dhigo madaarrada Somaliland.

Wasiirka oo ugu horeyn ka jawaabaya eedaymaha ah in Somaliland xidhiidh la leedahay Al-shabaabta buuraha Galgala "Ninkaasi waxaanu u aragnaa nin markii uu hawshiisii amniga iyo dhiigga Maalin walba ku daadanaya Puntland uu waxba ka qaban kari waayay dad kale kula galgalanaya, eedayntaasi waa mid aanaan u dul-qaadan karin (eedaha Wasiirka Amiga ee Puntland)…”


Wasiirka oo la waydiiyey sababta soo celcelisa eedaymaha Puntland ee Somaliland, ayaa ku jawaabay "Somaliland waa dawlad la yaqaan ee malaha ninkaasi eedayntayada ajaanibka ayuu wax kaga doonaa, laakiin ajaanibku way ogyihiin in Somaliland tahay dal aan wax fool xumo ah shaqo ku lahayn, laakiin wasiirka (Alloore) ayaad mooddaa inuu adduunka kaga dawarsanayo (eedaymaha Al-shabaab ee Somaliland)….” Ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waxaan caddeynayaa in ninkaasi (Wasiirka Amniga Puntland) in Somaliland xidheyso haddii uu Madaarrada diyaaradaha soo maro. Shirkadaha diyaaradahana waxaan uga digayaa in aanay ninkaasi soo qaadin” 


Contact@afkashacabka.com