Maxaa Sababay Tahriibka? W/Q:Cabdiqani Iid Cilmi

0
Sunday February 15, 2015 - 19:06:15 in by salman abdi
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay Tahriibka? W/Q:Cabdiqani Iid Cilmi

    Hadii aan odhan lahaa jawaabtu waa shaqo la'aan, waxaan filayaa in dad badani igu raaci lahaayen jawaabta. Lakiin ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii aan odhan lahaa jawaabtu waa shaqo la'aan, waxaan filayaa in dad badani igu raaci lahaayen jawaabta. Lakiin ...

hadii aan u hadlo si caqliga saliimka ahi aqbalayo ilama aha in dadku dalka shaqo la’aan uga tahriibayaan !. haa waa run waynu odhan karnaa shaqo la’aantu waxay sabab u tahay tahriibka, se ma odhan karno dhamaan tahriibka waxa u sabab ah camal la’aan.

Makula tahay aragtidaada in taliye ciidan shaqo la’aaan uga tahriibay dalka?. ogow oo wadooyinka loo tahriibaa badan. Malahayga haa wuu tahriibi karaa taliye ciidan sababo badan awgood, waa mida koobaade ciidankii loo baahnaa inaynu xushmayno, xaqdhawrno ama qadarino inagama helin xushmadii iyo xaqdhawrkii ay inaga mudnaayeen. Waa ta labaade biilkii ama kharashaadkii la siinayay oo ku yar. Isku soo wada duubo arimahaasi ma wax dalkaaga hooyo looga tahriiba? Dalka aad u tahriibayso yaa kuu balanqaaday in aad shaqo ka helayso ama shaqo tan ka fiicanba?

Ma u malaynaysaa in maareeye hay’adeed camal la’aan uga tahriibay dalka?… Ma garan karo jawaabta lakiin maareeyuhu (maarayntu) mayayna shaqo ahayn, waliba shaqo wasiirnimo u dhiganta?.. haa way tahay. Waxan filayaa markaa shaqo la’aan uma tahriibin.

Maxaa sababay markaa tahriibka?

Runtii waa su’aal ay adagtahay ka jawaabideedu una baahan fikir ku filan, waa suaal u baahan in inbadan laga baaraan dago jawaabteedu. Hadii aan idhaahdo waxa sababay asbaabo badaan oo ay ka mid yihiin:~

Halkaynu ka tahriibaynaa waa halkee yaa leh? Se mala inoo sheegay in ay dhulkeenii hooyo tahay oo aynu inagu iska leenahay?. Madaxdeenu marna ma ina dareensiiyeen in ay dalk leeyihiin una baahnayn baasabooro (passport) kale waa may ! iyaga ayaana inagu dhiiri galinaya in aynu tahriibno maxa yeelay Madaxweyne, Xildhibaan, Wasiir Dhamaantood dalka umay dhalan way usoo dhoofeen una soo shaqo tageen, waana tusaalaha inbadan oo tahriibtay ku kalifay in ay passport doontan si ay xilka madaxweyne, xildhibaan ama wasiir ugu tartamaan!!!.

Dalka aynu ku dhalanay wax dheef ah maka helnay ama maku qabnaa? Haa sidaynaan uga helin dheef waynu kusoo kornayba oo hooyooyinkeen,aaboyaasheen iyo waliba dadkeeni ayaynu ku dhexnoolynbee. Haa waa run se su’aashaydu sidaa maaha dalku wax ma inoo qabtay Ma inoo abuuray Dugsiyo fiican oo cilmiga inaga haqabtira, dadka intiisa baahan ma kaalmeeyay hadii ay dhinaca dhaqaale tahay ama dhinacyada kale ee noloshaba…. Waxan rajaynayaa in jawaabtu tahay MAY!!!. Marka dalkeeni maaha malaha? Oo hadaa ma dalalkaa reer yurub ayaa dalkeeni ah?.

Mid kale ayaa jirta oo ah in soomaalida badankooda aad moodo in ay u dhasheen dhibta iyo rafaadka nolosha. Ogow oo tahriibkuna waa dhibaato iyo rafaaduun… Soomaalida asalkoodu waxay ahaayeen xoolo dhaqato ama beeralay.inaguna asal ahaan waxaynu u bdanahay xoolodhaqato…xoolo dhaqatadu waa reer guura asalkoodana ma laha deegaan u xudun ah ee waxay kolba u guuran halkii caws leh, imika malahayga waxaynu dabaqaynaa uun noloshii awoowyaasheen oo halkii lacag laga helayo waa in aynu u tahriibnaa!!



W/Q:Cabdiqani Iid Cilmi

Email:cab_dir@hotmail.com

Islamabad,Pakistan

 

*************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh