Dhegayso"Shuruudaha aanu ku kala dooranayno Shirkadaha danaynaya in ay maalgashadaan dekadda Berbera waa.."Warasi Wasiirka Madaxtooyada

0
Sunday February 15, 2015 - 19:44:49 in by Burco Office
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhegayso"Shuruudaha aanu ku kala dooranayno Shirkadaha danaynaya in ay maalgashadaan dekadda Berbera waa.."Warasi Wasiirka Madaxtooyada

    Waraysi laanta Afka-Soomaliga ee BBC-du ila yeelatay kaasi oo ku aadan dekada Berbera iyo Shuruudaha lagu kala dooranayo shirkadaha ku tartamaya in ay maalgashadaan….

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waraysi laanta Afka-Soomaliga ee BBC-du ila yeelatay kaasi oo ku aadan dekada Berbera iyo Shuruudaha lagu kala dooranayo shirkadaha ku tartamaya in ay maalgashadaan….

DHEGAYSO"Wasiirka Madaxtooyada JSL Oo Ka Hadlay Wareejinta Dekada Berbera

"Shuruudaha aanu ku kala dooranayno Shirkadaha danaynaya in ay maalgashadaan dekadda Berbera waa ; Maxay dhaqaale galinayaan? Ganacsiga ay ka qabanayaan waa maxay? Maxay Macaamiisha ku soo jiidanayaan? Tayada ay ku dhisayaan intay gaadhsiisan tahay?”

Kadib marka aad warbixintan dhagaysato ama akhrido waxaad jawaab u heli doontaa su’aalaha ay kamid yihiin:

1- Maxay yihiin Shuruudaha lagu kala dooranayo Shirkadaha danaynaya in ay Maalgashadaan Dekedda Berbera?

"Shuruudaha aanu ku kala dooranayno Shirkadaha danaynaya in ay maalgashadaan dekadda Berbera waa ; Maxay dhaqaale galinayaan? Ganacsiga ay ka qabanayaan waa maxay? Maxay Macaamiisha ku soo jiidanayaan? Tayada ay ku dhisayaan intay gaadhsiisan tahay?” iyo awooda shirkadu dheertahay kuwa la tartamaya.

2- Maxay tahay sababta dekeda Berbera loogu raadinayo maalgashiyo Caalami ah?

"Si aynu u kasbano macaamilka dawladaha jaarka isla markaana kor uugu qaadno awooda dekeda Berbera Waxaanu doonaynaa inay Dekedda Berbera noqoto Deked Kuwa Adduunka oo kale ah,oo kuwa dunida la tartanta,sidaas darteed waxaanu eegaynaa cidda ay waafaqdo Qarankan dantiisu, ee wax la qaban karta ayaanu eegaynaa”

3- Waa kuwama gudida Madaxweynuhu u saaray arrimaha maalgashiga dekeda Bebera?

"Waxaa jirta Gudi Madaxweynuhu u saaray oo Wasiiro kooban isla markaana aan ku jiro, kana mid yihiin; Wasiirka Arrimaha Debeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah , Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryeynta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo sidoo kale Mareeyaha Dekeda Berbera”

4- Maxay yihiin Hanaanka la marinayo tartanka shirkadaha danaynaya in ay maalgashadaan dekeda Berbera?

"Dhamaanba shirkadaha soo gudbiya codsigooda, gudidan ayaa Eegaya,darsayana Shirkaddaha Noocaas ah, waxaana laga yaabaa in marka Shirkaddaha warkoodu soo ururo Qandaraas lagu bixiyo oo la baahiyo"

5- Imisa shirkadood ayaa si rasmi u soo gudbiyey in ay danaynayaan maalgelinta Dekedda Berbera?

Ilaa hadda waxaa si rasmi ah u soo gudbiyey in ay danaynayaan maalgelinta Dekedda Berbera afar shirkadood oo kala ah; "Shirkad Caan ah oo Dubai leedahay Dannaynteeda ayay muujisay oo waxay leedahay waanu doonaynaa, Bolore(Shirkad Faransiis ah) waa shirkad caan ah, iyaguna danayntooda ayay muujiyeen, Shirkad kale oo African ah oo Sucuudiga joogta iyaguna danayntooda ayay muujiyeen oo way doonayaan, Shirkad kale oo Kuwait leedahayna way doonaysaa Dekedda Berbera,Annaguna waxaas oo dhan waanu tartan siinaynaa waxaanu eegaynaa wixii Danta Qaranka loo arko

6- Ilaa hadda shirkad ku guulaysatay ma jirtaa?

"Ilaa Hadda shirkad si rasmi ah uugu guulaysatay maalgalinta dekada Berbera ma jirto, waxaase weli socda u fiirsiga iyo daraasada shirkadaha soo dalbaday”



Wa Bilaahi Tawfiiq