MARWADA KOOWAAD EE SOMALILAND AYAA KA QEYB GASHAY KULAN LAGAGA HADLAAYAY HORUMARINTA WAXBARSHADA DEGMADA SALAXLAY .

0
Tuesday March 25, 2014 - 21:23:03 in by salman abdi
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MARWADA KOOWAAD EE SOMALILAND AYAA KA QEYB GASHAY KULAN LAGAGA HADLAAYAY HORUMARINTA WAXBARSHADA DEGMADA SALAXLAY .

    Kulanakaas oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa islamarkaa ay ka soo qeyb galeen marwada koowaad ee Qaranaka Somaliland Marwo Amina Waris Sheekh Maxamed Jirde,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanakaas oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa islamarkaa ay ka soo qeyb galeen marwada koowaad ee Qaranaka Somaliland Marwo Amina Waris Sheekh Maxamed Jirde,

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Sam Sam Cabdi Aaden Wasiiru Dawlaha wasaaradda

 

Madaxtooyadda Somaliland Md Maxamed Muuse Abees, Xildhibaano Aqoonayano iyo Odayaal iyo Salaadiin ayaa waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida dhismaha wadada Salaxlay iyo Hargaysa Md Cali Ibaraahim Maxamed [ cali sanyare] kaas oo sheegay in Degamada Salaxlay ay ka socdaan mashaariic badan oo dhinaca horumarinata arimaha bulshada sida Cisbitaalo iyo adeegyo kale oo ay maalgaliyeen ururada horumarinta Degamada Salaxlay gaar ahaan ururka Gaaroodi, waxaanu ku tilmaamay in ay yihiin bulsho jecel horumar islamarkaa xukuumadda la garab taagan waxqabdka. Wasiirka wasaaradda waxbarshadda Marwo Sam Sam Cabdi Aaden oo halkaasi ka hadshay ayaa sheegtay in degmadda salaxalay heerkeeda waxabarsho uu meel fiican marayo islamrkaa xukuumadu ay ku garab taagan tahay horumarka una diyaar tahay in ay inta awoodeeda ah in ay wax ka qabato horumarinta waxabarshada Degamada, waxaanay intaa raacisay in ay ku boorinayso cid kastoo bulshada wax u qabanaysa in ay sii laban laabaan adeegayadaasi dhaxal galka ah sida kuwa ka soconaya degamada salaxlay maadaama aanay baahiyuhu dhamaan.

Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed jJrde oo halkaasi ka hadashay ayaa ku amaanatay ururada ku hawlan hawlaha samafalka iyo horumarinta adeegayada bulshada ee Degmada Salaxlay waxaanay intaa ku dartay in loo baahan yahay in laysku tashado oo xaafad xaafad iyo degmo degmo wax loo qabsado islamarkaa caqab kasta oo jirta lagaga gudbi karayo iskaashiyo la sameeyo.

Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com