Bandhig Hibeedku Yuu Habaabin!!!.WQ: Cabdisatar Sabri

0
Monday February 16, 2015 - 15:31:31 in by salman abdi
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bandhig Hibeedku Yuu Habaabin!!!.WQ: Cabdisatar Sabri

    Barnaamijka bandhig hibeedka Tv-ga qaranka Somaliland waa barnaamij qiimo badan qaranka u leh una baahan yahay. Waa Farriin xoog badan oo Dhiirigalinaysa in badan oo dhallinyaro iyo duqayba leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka bandhig hibeedka Tv-ga qaranka Somaliland waa barnaamij qiimo badan qaranka u leh una baahan yahay. Waa Farriin xoog badan oo Dhiirigalinaysa in badan oo dhallinyaro iyo duqayba leh.


Fanka iyo Suugaantana jecel ama Xiisaysa. Marka laga hadlayo Sumcadda Tv-ga qaranka Waxa suurto gal ah in uu ku kasbado shacbiyad badan, taas oo ku kooban Bulshada ku xidhan daawashada barnaamijkan. Waxa uu qayb ka yahay barnaamijyadii Maaweelada iyo midadaalada bulshada soomaalidu u taqaanay ee had iyo goor laga baahin jiray tv=yada ama idaacadaha.


Qof kasta oo dheehday amase dhuuxay ujeedada uu xanbaarsan yahay barnaamijkan bandhig hibeedka Tv-ga qaranka Somaliland, waxaa hubaal ah inuu soo dhaweeyay barnaamijkan. Hasayeeshe barnaamijkani si uu u noqdo mid dhaxal reeb ah, waxay su'aashu tahay ma jiraan dhalliilo ka muuqda oo u baahan in lasaxo?. Waxaa lagu tartamayaa waa Hibbooyin ay ka mid yihiin suugaan ka kooban inta uu gabaygu u sarreeyo Fankuna u hooseeyo iyo Hibbooyin kale oo badan oo bulshada qayb ka mid ah eebbe ku galladay. tusaale ahaan qaybo ka mid ah xubnaha jidhka aadamaha oo qofku si aan hore loo'arag u soo bandhigi karo. Haddaba bandhiggii kowaad ee la baahiyay barnaamijkan waxaa soo baxay dareen ku wajahan guddiga garsoorka ee barnaamijkaas ku hawlanaa.

 

Guddida barnaamijka oo ah hagayaasha iyo udub dhexaadka barnaamijka guud ahaan gaar ahaan Kala xulista tartamayaasha fagaaraha uyimi soo bandhigista hobbooyinka iyo halabuurkooda gaar ah. Guddidan oo ah afar xubnood oo ka kooban saddex nin iyo laba gabadhood, ilaa hadda inta shaashada Tv-ga qaranka ka soo muuqatay ayaa fahamka guud ee laga haystaa wuxuu yahay in ay yihiin ,Sadex fannaan oo caan ka ah somaliland, weriye ruug caddaa ah iyo siyaasi Qalinka iyo qoraalka afyaqaan.

Guddidan oo ay ka muuqato qarqarbo iyo isfahan la'aan dhexdooda ah taas oo ka marag kacaysa u diyaar garaw la'aanta barnaamijka iyo kala daadsanaanta guddida loogu magac dhabay in ay yihiin gasoorka barnaamijka. Haa, waynu ku sifayn karraa birnaamijkan in uu yahay guud ahaan qabyo, kaas oo ayna habboonayn baahintiisu ka hor dhammaystirka seeska barnaamij abuurka. Dabcan sida la wada ogsoon yahay, waxa xaqiiq iyo biyo kama dhibcaan ah in abuurista fikrad kasta ama curinta barnaamij waxtar u leh guud ahaan bulshada laga dhex heli karo dhalliil miisaankeedu intuu doono ha noqdo'e. haddaba innaga oo qirayna waxtarka baahsan ee barnaamijkan leeyahay waxa islamarkiiba cad in barnaamijkan aanu ahayn mid ka jawaabay hammuuntii bulshada iyo halbuurku qabeen.

Haddaba, guddida bandhig hibeedka waxaynu marar badan ka dheehannay "Qalbi ilaalin " taas oo ku cad go'aan qaadashada guddida iyo xukun ku ridista tartame kasta iyaga oo natiijada ku afmeeraya " Haa" ama "maya" islamarkaana aanay ka muuqan xeer ama nidaam kala xadaynaya tartamayaaasha oo guddida u degsan.

Waa waajib qof kasta oo tartankan ka qayb galaa in uu helo caddaalad aqoon ku dhisan balse, maaha garsoorku in uu afduubo caddaaladda oo ay marjac ka dhigtaan afgobaadsi ama Dareen aan ka turjumaynin Xaqiiqada madasha taal.

Tartan hibeedka Tv-ga qaranka dadka ku tartamayaa waa dad aan waxba ka ogayn Shuruuddaha looga baahanyay in ay buuxiyaan, si ay u hantaan guusha ama guuldarada hortooda taal. Sheeko xeeldheer fahamkeeduna fududyahay ayaa waxay ahayd sidan hoos ku qoran:

Nin ayaa beri hudheel soo galay ka dibna wuxuu dalbaday qado, markii loo keenay cuntadii bissinka ayuu ku bilabay. Ninkii cuntada dhadhankeedii ayuu saluugay, wuxuu bilaabay in uu u yeedho muddalabkii hudheelka si uu ugu sheego cabashaddiisa ku aaddan cuntada, waxaanu ku yidhi...."maxaa cuntada ka xun? Ninkii adeegaha ahaa ayaa ugu halceliyay inaadeer ma cuntada dhadhankeeda ayaad ka cabaynaysaa, mise adeegga ?. Isaga oo ninkii wali jawaab bixin ayuu ku celiyay ..."waar haddaad ka cabanayso adeegayga waan hagaajinayaa ee raali ka noqo, haddii se cabashadaadu tahay dhadhanka raashinka waxaan kuu sheegayaa mulkiilihii hudheelkan lahaaba wuxuu ka qadaynaya hudheelkaas naga soo horjeeda".

Haddii aan furfurro dulucda sheekaddan iyo nuxurka ku duuggan, wasaaradda Warfaafinta Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Sida magaca wasaaradda ka muuqata waxay leedahay Waax u xilsaaran dhawrista, kaydinta iyo Madhxinta gudashada hiddaha iyo dhaqanka baadi-soocda u ah .bulshadeenna. Waaxda Dhaqanka ayay ahayd in ay qaadaan masuuliyadda iyo hagista barnaamijyada noocan oo kale ah. Balse sida muuqata madaxda dhaqanka ee wasaaraddu may gudan xilkaas. waxayna noqonayaan rag hodheel kale cunto u doontay.



 

Cabdisatar Cabdilaahi Cali

Burco Somaliland