Real Madrid Oo Racfaan Ka Qaadatay Casaankii Ramos Iyo Iyagoo Diiday Inay Cabasho Ka Gudbiyaan Busquets.

0
Tuesday March 25, 2014 - 21:29:26 in by salman abdi
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Racfaan Ka Qaadatay Casaankii Ramos Iyo Iyagoo Diiday Inay Cabasho Ka Gudbiyaan Busquets.

    Real Madrid ayaa racfaan ka qaadatay casaankii la siiyay Sergio Ramos kulankii axada ee El Clasico ee ay guuldarada ka soo gaartay Real Madrid,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa racfaan ka qaadatay casaankii la siiyay Sergio Ramos kulankii axada ee El Clasico ee ay guuldarada ka soo gaartay Real Madrid,


Daafaca ayaa kaarka guduudan loo taagay ka dib markii garsoore Alberto Undiano Mallenco uu u arkay in Ramos uu qalad ku galay Neymar oo fursad u heystay inuu gooldhaliyo xerada ganaaxa dhexdeeda.

Madrid ayaa ku adkeysaneysa in Ramos uusan wax qalad ah ku gelin Neymar waxaana ay sidaasi darteed ay ka codsadeen xiriirka kubada cagta Spain in ganaaxa laga qaado ciyaaryahanka si uu u ciyaaro kulanka muhimka ee La Liga ee arbacada ee ay la leeyihiin Sevilla ee garoonka Sánchez Pizjuán.

RTR3I9KY

Dhanka kale Los Blancos ayaa go’aansatay inaysan wax cabasho ah u gudbinin xiriirka kubada cagta Spain oo la xiriirta dhacdadii uu Sergio Ramos madaxa kaga istaagay Pepe.

Busquets, oo kaamirada ay qabatay isagoo madaxa kaga istaagaya Pepe ayaan la fileynin inuu wax ciqaab ah maro madaama ay Madrid go’aansatay inaysan wax cabasho ah ka gudbinin dhacdadaas.


Markasta kale soco ciyaaraha udubeeya ee ka Dhaca Dunida
Afkashacabka.com
Contact@afkashacabka.com