WASIIRKA ARIMAHA DEBADA SOMALILAND OO SHEEGAY INUU SI DEG DEG ULA KULMI DOONO DANJIRE NICOLS KEY OO KA HADLAY XALADA AMAAN GEESKA AFRICA

0
Tuesday March 25, 2014 - 21:49:19 in by salman abdi
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA ARIMAHA DEBADA SOMALILAND OO SHEEGAY INUU SI DEG DEG ULA KULMI DOONO DANJIRE NICOLS KEY OO KA HADLAY XALADA AMAAN GEESKA AFRICA

    wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliland Nicols key.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliland Nicols key.

Hargaysa {AFKA}:wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliland Nicols key.

Wasiirka arimaha debada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inuu rajayno inuu si deg deg ah ula kulmo Nicols Key, waxaanu tilmaamay inaanay jirin wax colaad ah oo u dhaxaysa Somaliland iyo qaramada midoobay.

Ugu horayn wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlaya xidhiidhka u dhexeeya Somaliland, qaramada midoobay iyo Nicols Key ayaa waxa uu yidhi "Horta ma jiraan wax colaad ah oo u dhaxaysa Somaliland iyo qaramada midoobay, Nicols Key waa ninka u qaabilsan somaliya xoghayaha guud xidhiidhkayagu

ma xuma waxaana laga yaabaa inaanu dhakhso isku aragno, waxaana ka hooseeya nin la yidhaa philip kaas oo ay hoos yimaadeen wax kasta oo mashaariic horu mar ah sidaas darteedna inaanu xidhiidh la yeelana waa lagama maarmaan, waxaana hoos yimaadan hay’addo badan oo la xidhiidha dhinaca bina aadanimada, horu marinta iyo hay’addo adeegyo kale qabta xagaasna waanu ka wada hadli karnaa laakiin dhinaca siyaasada xidhiidh nooga dhaxeeya ma jiro.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha debada Somaliland

 

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay nabad galyada mandaqada geeska Afrika waxaanu sheegay in masuuliyada ugu weyn ee Somaliland ay tahay in nabad galyada iyo gooni isku taaga Somaliland la ilaaliyo waxaanu yidhi "Gobolkan geeska Afrika nabadiisu way na khusaysaa waayo waa gobol aanu ka mid nahay waxaanan qabnaa inay Somaliland tahay wadan dhinaca nabad galyada si weyn ugala shaqeeya Ethiopia ama Djabouti aad uga ilaalinaya inaanay cidina soo dhex gelin, Somaliland-na xooga ayey saartay dhinaca nabad galyadeeda iyo xaga sirdoonka, waanan jecelnahay in gobolku nabad ahaado, waanan ka xunahay waxyaalaha Xamar ka dhacaya waayo ma jeclin in cidi meel ku dhimato ama Somali ha ahaato ama Afrikaanka kale, laakiin anaga waxa muhiin noo ah inaanu dalkayaga Somaliland nabad galyadiisa, gooni isku taagiisa iyo xasiloonidiisa ay tahay masuuliyada ugu weyn ee reer Somaliland saaran” ayuu yidhi wasiir Maxamed Biixi Yoonis

 




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com