Tv-yadaii Kenya Oo Hawada Ka Baxay iyo Hanaanki Shaqo Ee Telefshinada Oo La Bedelay

0
Tuesday February 17, 2015 - 12:16:29 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tv-yadaii Kenya Oo Hawada Ka Baxay iyo Hanaanki Shaqo Ee Telefshinada Oo La Bedelay

    Saddexda telefishin iyo mas'uuliyiinta dowladda ee warbaahinta maamula ayaa waxa ku muransan sidii hanaankii hore ee TVga ee analooga looyaqaan loona wareego hannaanka cusub ee digital-ka loo yaqaano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexda telefishin iyo mas'uuliyiinta dowladda ee warbaahinta maamula ayaa waxa ku muransan sidii hanaankii hore ee TVga ee analooga looyaqaan loona wareego hannaanka cusub ee digital-ka loo yaqaano.


Kaddib in ka badan labo jeer oo la isku dayay in arrintani la dhaqan geliyo horaanti sanaddadii 2012 iyo 2013 iyo dhowr mar oo maxakamado la isla tiigsanayay, ayaa maxkamada sare waxa ay maalintii jimcaha ahayd go’aamisay in ay khasab tahay in la sii wado dedaalada loogu wareegayo hannaanka cusub ee digital-ka.
Maalin kaddib go’aankaasi maxkamadda, hey’adda maamulka dhanka isgaadhsiinta dalka ayaa damisay qalabkii ay telefishinada horey ugu shaqeynayeen, qalabkaasi oo aan ahayn kan casriga ah ee hadda laga doonaya in telefishinada dalka ay u wareegaan amaba ku shaqeeyaan.
Shirkadaha warbaahinta ayaa dalbanaya in la kordhiyo muddada kama dambeysta ah ee loo qabtay lagana dhigo saddex bilood oo hadda ka dib ah, si ay ugu suurtagasho in ay dibadda kala yimaadaan qalabka cusub ee ay tahay in ay ku shaqeeyaan.

150216150807_runinga_3_za_kenya_zasitisha_matangazo_yao_512x288_bbc_nocredit

Labo shirkadood oo ah kuwa ku shaqeynaya qaabka cusub ee digital-ka, oo mid ka mid ah ay leedahay dowladda tan kalena ay tahay shirkad shiinees ah ayaa hadda dalka ka hawlgala.
Ku dhawaad saddex meelood hal meel dadka dalka Kenya ayaa waxaa guryaha u yaala TV, waxaana hay’adda dhanka isgaadhsiinta ee dowladda ay sheegeysaa in boqolkiiba lixdan dadkaasi ay durbaba guryaha soo dhigteen qalab u sahlaya in ay wararka iyo barnaamijyada telefishanada ay ku daawdaan qaabkaasi digitaalka ee casriga ah.
Balse shirkadaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa sheegaya in boqolkiiba sagaashan dadka Kenyaanka ah ay hadda haysan adeega Tvga. 



Contact@afkashacabka.com