Raysal wasaaraha Somaliya oo ka hadlay Wakhtiga u hadhsan iyo qorshayaasha hor yaalla xukumaddiisa

0
Tuesday February 17, 2015 - 12:23:51 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal wasaaraha Somaliya oo ka hadlay Wakhtiga u hadhsan iyo qorshayaasha hor yaalla xukumaddiisa

    Raysal wasaaraha Somaliya Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in xukuumadana haatan dalka katalisaa gaadhsiin karto dalka doorashooyinka ladoonayo in ay dalka ka dhaacaan 2016

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Somaliya Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in xukuumadana haatan dalka katalisaa gaadhsiin karto dalka doorashooyinka ladoonayo in ay dalka ka dhaacaan 2016

haddii aanay dhicn wax rabshado ah,raysal wasaaraha ayaa  sidaasi ka sheegay mar uu uwaramayay idaaca VOA-da .

"Waqtiga waa yar yahay qorshaha miiska noo saaran waxa weeyaan sida lagu gaadhsiin karo dalka doorasho sanadka 2016, hadii aan caqabad dhexdeena ka imaan waa gaadhsiin karnaa”ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaruhu oo la hadlayay idaacada VOA.Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan dalka Canada oo uu kaga qeyb galay aaska hooyadiis oo dhowaan halkaas ku geeriyootay ayaa soo hadal qaaday qorshaha xukuumadiisa miiska u saaran.

Mar la weydiiyay Ra’iisul Wasaaruhu in qaar ka mid ah Wasiiradiisa ay siyaasada ku cusub yihiin, ayuu tilmaamay in xilalka kaliya ku cusub yihiin, balse ay ahaayeen dad siyaasada xog ogaal u ahaa.

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qorshaha maamul u sameynta Gobolada Dhexe, isagoo tilmaamay inay ku xigto maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo labo jeer oo hore soo magacaabay Gole Wasiiro, balse Baarlamaanka ka gudbi waayay ayaa ugu dambeyn 9-kii bishan Xukuumad dhameystiran oo uu dib ka soo dhisay kadib ay heshay codka kalsoonida Baarlamaanka.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in waqtiga dowladda u harsan oo ah mid kooban, hadana Xukuumadda cusub waxaa hor-yaala howlo fara badan oo loo baahan yahay inay qabato ka hor Agosto sanadka 2016.




 Contact@afkashacabka.com