Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Casho Sharaf U Sameeyay Ardaydii Ka Qalinjabisay Jaamacada Timacade.

0
Tuesday February 17, 2015 - 17:12:30 in by Burco Office
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Casho Sharaf U Sameeyay Ardaydii Ka Qalinjabisay Jaamacada Timacade.

    Wasiirkada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa casho sharaf u sameeyay ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Timacade, Wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa casho sharaf u sameeyay ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Timacade, Wasiirka

 oo qoraal koobaan ku baahiyay Bartuu ku leeyahay Internetka, wuxuu ku faah faahiyay Muhiimada dhiirigalinta Dhalinyaradda waxbarashada dhammaysta. Qoraalkaas oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan.

Khayraadka Dabiiciga ah ee Uugu Weyn Somaliland waa Maskaxda Qalinjibiyeyaasha Dalkeena
"Our greatest Natural Resource is the Minds of our Graduates”

Waxay ahayd xalay kadib markaan kulan casho sharaf ah la qaatay dufcadii labaad ee ka qalinjabiya Jaamacada Timocade University ee Gabiley

Waxay ahayd madal sharfan oo aan helanay 64 "Afar iyo LIxdan” qalinjabiye oo ku soo biiray saaxada Somaliland oo dabcan wax badan ka tari doonaa dhinacyada horumarinta iyo nabadgelyada

Waxaa run ah in noloshu halgan tahay aqoontuna hub, waan ku faraxsanahay in tiro intaas leeg oo ku hubaysan aqoon iyo waayo-aragnimo aynu maanta ka Somaliland ahaan inoo soo kordheen

Uma cabsi iyo welwel qabo aqoonayahan kaashanaya Illaahii uurka hooyadii ku arzaaqi jiray oo maanta u soo baxay nolosha wajigeedii labaad kadib sanado badan oo uu ku jiray halgan waxbarasho

Waxaan ku boorinayaa in ay noqdaan halyeeyo u heelan
horumarinta dalkooda iyo dadkooda oo ay rumeeyaan hamigii laga lahaa

Ogow, waxaad wax ku helaysaa hadba hamiga aad nolosha ka leedahay, oo waxaan xasuusnahay sheekadan :

"Laba wiil ayaa waxaa isa soo barbar taagay gaadhi qurux badan oo wiil dhalinyaro ah wato, kadib wiilashii ayaa waydiiyey halka uu gaadhigan ka keenay, wuxuuna uugu jawaabay "Walaalkay ayaa ii iibshay”

Labadii wiil waxaa ku soo kala dhacay labadan fikiradood
A. Waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho walaal gaadhi ii iibsha
B. Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo walaal gaadhi walaalkii u iibsha

U fiirso, labadaas hami ee ay labadaas wiil kala lahayeen, waxaa dhab ah in labadaas hami noqon doonaan kuwa noloshooda is dhaafiya midna ka dhigi doona wax bixiya midna wax qaate!

Waan idiinku hambalyeynayaa in aad maanta yeelateen baalal aad ku duushaan si aad nolosha heersare uuga gaadhaan waayo qof bilaa aqoon ah waa sida shimbir bilaa baalal ah"A person without Education is like a bird without wings”

Wa Bilaahi Tawfiiq