TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUDANE AXMED XASAN CARWO

0
Friday February 07, 2014 - 11:27:17 in by Super Admin
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUDANE AXMED XASAN CARWO

    Waxaan tacsi u diraya ehel, qaraabo, xigto iyo xigaal, iyo asxaabta Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen Alle ha u naxariistee, Raisal Wasaarihii hore ee Soomaliya lixdanaadkii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan tacsi u diraya ehel, qaraabo, xigto iyo xigaal, iyo asxaabta Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen Alle ha u naxariistee, Raisal Wasaarihii hore ee Soomaliya lixdanaadkii.
Waxuu ahaa siyaasi aad uga muuqday siyaasadda Soomaliya ilaa xiligii isticmaarka Talyaaniga. Waxuuna soo qabtay xilka Wasiirka Gudaha iyo R/Wasaare.
Waxa lagu xusuusta inuu ahaa xubinta kaliya ee Golaha Barlamaanka ahayd mucaarid doorashadii 1969, kolka intii kale ay dhammaan isku shubeyn xisbi xaakimkii SYL.
Cabdirisaaaq oo muddo dheer laaji ku ahaa dalka Maraykan oo uu ku dhintay Jimcihi 31 Jan, 2014 waxuu ahaa nin la socda siyaasadda Soomaliya, isagoo mucaaridnimo iskaga casilay xilka safiirnimo oo uu noqday mucaarid lid ku ah xukunkii kelitaliska Siyaad Barre.Waxuuna maqaalo qaawiyey dilkii iyo xasuuqii loo geystay shacbiga Soomaliland uu ku soo bandhigay jaraaidka galbeedka isagoo si toos ah u dooxay macangagnimadii xukunkii keli-taliska aha.
Alle ha ha u naxariisto Marxuum Cabdirisaaq X. Xuseen hana ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardaws, ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco. Aamiiin.
Axmed Xassan CarwoLa-taliyaha Madaxweynaha SL ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
eci.advisor@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/