Akhriska Iyo Akhristaha, By: Jama Hassan (Jama Raan)‏

0
Monday February 23, 2015 - 11:34:11 in by salman abdi
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriska Iyo Akhristaha, By: Jama Hassan (Jama Raan)‏

    haddii aan ku horreeyo waa maxaay akhris?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

haddii aan ku horreeyo waa maxaay akhris? Bismillaahi Raxmaan Raxiim, mahad dhammaanteen alle keliggii bay u sugan tahay, sidda aan ciwaanka mawduuca ku sheegay, waxaan doonayaa, in aan idinnla wadaago, qormo yar oo aan ku soo uruuriyey, waxa uu yahay akhris, waxaa lagga faa'iido, waxa uu taro, sidda uu isbedel la taaban karo, u dhaliyo, waxa ay ku kala duwan yihiin, ka wax akhriyaa, iyo ka aan waxba akhriyinin!

waxba ku dheeraanmaayo amma ku fogaanmaayo hordhaca mawduuca, laakiin waxaa aan toos u bilaabayaa ammba aan u guddo galayaa qormadan, yar runtii akhris haddii lays yidhaahdo wax ha lagga qoro, buuggaag baa laga diyaarin karaa, laakiin anniggu inta aqoontayda yar taaban karto ban idin soo bandhiggayaa.

haddii aan ku horreeyo waa maxaay akhris?
akhris waa awooda, kartida wax lagu kicin karo, amma fahmi karo, haddan si kale u dhigno waxaa uu noqon karaa, tababar maskaxeed, kaas oo ay caawinayso, diiran saarida, aragtidaada ereyada micnaysan, ammba kalmadaha si fudud lagu garan karo.
waa kuwa akhriste amma akhristayaal?
waxaa akhriste la odhan karaa, ruux la saaxiibka ah, buugga, kitaabka, iyo dhammaan aaladaha amma agabka wax lagu qoro, had iyo jeer daneeya, halka uu ka heli karo wax akhris dhammaystiran, awoodiisaba saara siddii u kasban lahaa wax akhris kaamil ah.
siddee kor loogu qaadi karaa akhriska?
waa weydinta saddexaad ee aynu soo qaadan doono, waxaa loo kordhin karaa siyaabo badan oo kala gedisan, haddii aynu soo qaadano dhowr ka mid ah
1. waa in la helo dad aqoon u leh kana saacida kuwa aan aqoonta u lahayn
2.waa in la hayo agab dheelitiran
3. goobo u khaas ah akhriska iyo dhigaalkiisa
4. qofka oo leh hami wax akhris
5. u adkaysigga caqabadaha kaa hor imaan doona iwm.
xilliyadda ay haboon tahay, in aad wax akhrido, labo jeer waa laysku raacsan yahay, subaxii markaa aad soo kacdid, iyo maalintii markaad seexatid, ee aad casarkii hurdada ka soo toostid, hadad waqtiyo kale fursad haysatid, iyagga laftooduba waa caadi, u jeeddu waxaa weeye, in aad maalin kasta dhowr saacadood wax akhridid.
Xiisaynta iyo kala muhiimsanaanta akhriska, horta quraanku waa in uu noqdaa lanbar kow, ka dib wixii soo raaca, sidda casharo, sheekooyin, qisooyin iwl

faa'iidooyinka akhriska!
# kobcinta maskaxda, tusaale qof walba inta uu akhriyo buu yaqaana, in badan oo aad akhridaa waxa ay kaa caawinaysaa, ka bixida qol madow oo aad ku xidhnayd.
# helida aqoon saa'id ah, waxaa laga yaaba in aad maanta akhriday cutub casharadaada ka mid ah, amma jus quraanka kariimka ah, akhriskaa aad akhriday waxaad helaysaa, ogaanaysaa wax kaa dhinaa ammba aad aqoon u lahayn.
# bedelida fekradaha,waxaa dhici kartaa, in aad hore u aaminsanaday fikir ah wax akhris ma jiro, laakiin marka aad akhridid baa arkaysaa macaanka kaa daboola amma kaa qarsoonaa.
# sahlida xidhiidhka ka dhexeeya uumiyaha kala duwan ee alle ku uumay koomka.
# firfircoon, maalintii iyo habeenkiiba haddii aad hal saac wax akhridid, runtii waxaad dareemaysaa karti ka duwan maalmaha aad waxba akhriyin!
# dood cilmiyeed, iyadda laftiggeedu kaalin mug leh ka qaadataa akhriska, waayo marka aad ku doodaysid wax aad akhriday oo aad taqaanid iyo marka aad ku doodaysid dhagi maqashay ammba hadal dhalanteed ah aad iyo aad bay u kala duwan tahay.

siddii aan hore u sheegay waynu koob koobaynaa, waxba hoos ugu talax tagimayno, waxaa aan doonayaa in aan yar dhex geliyo qisadii nebi maxamed (NNKH) sidda xaadisyo badan ku soo arooreen, ee laga soo wariyey, suubbanaheennii (scw) isagga oon waxba akhriyin, waxna qorin, malakul jibriil u imi oo ku yidhi (iqra), waa aayadii kowaad amma waa kalmadii kowaad ee rasuulkeenna lagu soo dejiyo, waana suratul (iqra), waxaa aynu halkaas ka qaadanaynaa in aan qoraal iyo akhristoona ka horaynin, (suratul iqra).
tusaale yar oo kale, inanka ama inanta wax akhriyaa, iyo kuwa aan weligood isba dul taagin, weligoodba waxaa ay isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiraan, xagga aqoonta iyo cilmigaba kama sina, afkaarta iyo fikraha kama sina, qofba akhriska iyo aqoonta uu ruux kale dheer yahay maaha waxyi, waa hibo alle iyo dedaal u sameeyey.

gebagabo waxaa aan akhristayaasha ku dhaafi lahaa, oo aan ku baraarujin lahaa, akhrisku in uu yahay, waddad aad ku gaadhi karto waxaa aad ku hamiyeyso, kolay hadalkuna ha inla sii taraare, sheeko yar oo aanan wada xusayn, waa tan dadkeennii lagu yidhi dal qalaad baa nolol tan dhaantaa taala, ka dib qolo baa (keniya) u tagtay dacwad, ilaa siddeed sano baa la celcelinaayey, waxna ayna u suuro gelin, iyadda oo ay siddii tahay baa maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday, in qoladii dhoof doonka ahayd uu soo raaco wiil wax bartay, ka dib warqadihii la siin jiray ay uun buu u akhriyey, una saxay, bilo ka dib baa loo yeedhay dhoof doonayaashii, waxaana gacanta laga saaray sharcigoodii oo dhammaystiran, siddaas bay ku dhoofeen, hawshoodiina ugu hagaagtay; waxaa aan uga socdaa sheekadan wax akhri la'aanta iyo aamin darrada innagga haysataa dhulkeenna, waxba ku ciilimaayaan haddii aad ciidaada ku kalsoon tahay, isku taxaluujisid siddii aad wax ugala soo bixi lahayd.

wa billaahi tawfiiq!!

jaamac xassan maxamed
jaamac_gadari@hotmail.com