NOLOSHUU KU DHINTAY : W/Q : JIBRIL JIRDE ABDI

0
Monday February 23, 2015 - 11:39:01 in by salman abdi
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NOLOSHUU KU DHINTAY : W/Q : JIBRIL JIRDE ABDI

    Haddii qalinkaloo tudho wax-qoraalka laga tago

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii qalinkaloo tudho wax-qoraalka laga tago lama taabbaggeli karo.

                                                                                                              TANAAD1972  _______       GAARRIYE.

 

download

Ayaan waliba Amuuraheeda lehe waa ayaan sawrac iyo sumad gooniya leh, waa ay aragtay se isagu ma dhaadana oo tiisa ayaa mashquulisay oo wuxuu ka fikirayaa   qaadka iyo sidii uu ku heli lahaa.

Iyadii lafteediina shaki ayaa galay, waa hebel iyo maaha laakiin ugu danbayn waa ay garawsatay in uu isagii yahay, hayeeshee waxaa badalay xanuunka,xumada iyo xiinka balwada, waayo waxaa uu ka fikirayaa uun sidii uu ku heli lahaa qaadka oo waxbarasho, dhawraarin _nafeed iyo xidhiidhin qaraabo`ba waa ay is daayeen.

Wax kale kuma garatide waa uu bahaloobay oo aanad marnaba u soo soocayn in uu yahay hebelkaad waayo taqaanay ee anshaxa, asluubta, qadarinta iyo quruxdaba lahaa. Maxaa yeelay waayadii  hore waa uu kobcayay ,korayay oo kaalin galayay una dheerayd baarinimo iyo barbaarwanaagsan oo uu la barbaarayey lana wadaagayay barashada  iyaga oo barri ka ahaa buuri  iyo burburin aduunyaba. Manta se wax kastaa waa ay isbadaleen oo waa kaaf iyo kala dheeri waxaa ay kala noqdeen maalmuhu mugdi iyo cadaan kalena hibo iyo hoodo badan.

Inantii intay garwaaqsatay ka dib waxa ay is weydiinaysaa waxa sidanu qaatay ee u qalajiyay qaraddii,quruxdii iyo qotankii uu lahaa ee uu qayrkii kaga soocnaa. Markii ay waxoogaa talantay ayay isku qancisay in aanu fayoobayn sidii hore iyo si u dhawtoona aanu ahayn e uu qayilo  , qiijiyo oo haddana qaadiroodo. CAJAB! OO KAALAY MAXAA KU KELIFAY? MAXAA QAATAY? HABA CUNO`E WAA KAN RAGII OO DHAMI QUUDANAYO QAAR DUMARINA QARSANAYAANE, MAXAA ISGA UUN QOLOF RIDAY? BAL HABAARKAN DAYA!

Iyada oo su`aalahaa isweydiinaysa oo kurbo ay ishayn kari laaday ayay kacarartay meel baastii  iyada oo ooyaysa oo ilmadu ay ka da`ayso dhabanadeeda, marka ay laba talaabo qaadana dib u soo qooraansanaysa. Dabadeed waxa ay soo jaleecdoba waa ay kala qarsoomeen waxay sii luudoba waxa ay gaadhay gurigii.Waxa ay isku dayaysaa in ay is ilawsiiso dabuubta ,dalanbaabiga iyo duruufta laakiin waxa ay ogaatay in aanay si dhibyar u dambabasi Karin duruufta la soo daristay ee ay degdeg u raadiso dariiqa saxda ah ee ay uga bixi karto.

Maxaa yeelay waxa ay doonaysaa in ay maskaxda katirtirto mid ka mida dhalintii ay soo wada dhaqnaayeen ahaana gayaankeedii ay ka sugaysay guur iyo guri_gal waara balse uu nolosha kusimbiririxooday oo guur uu guursado daaye aanu lafihiisa ka masuul noqon Karin oo geesigii isku badalay gocor gabbal dhac kasta galluuban meel aanu gashi mooyee shay kale ka soo hoynayn oo aanu tahli karayn in uu dulin iska dul afuufo.

Waxaa ay iyada oo dirqi ku hadlaysa ay ku calaacalysaa in ay ka samri karto hal qof balse EEBADDA xanuunka lihi ay tahay iyada oo hilinkaa habaaran dhalintu qaado oo hagardaamo mooyee  shay kale soo hoyn waayaan.Milgaha iyo sharafta ummadana ceebeeyaan oo ka dhigaan mid aan waxba qabsan Karin oo ka takooran ummadaha  kale ee facooda ah.

Waxaa  ay isku samirsiinaysaa in uu kaasi noqday  MID NOLOSHA KU LEEDAY ama NOLOSHA KU DHINTAY. Waxaanay ilaahay ka baryaysaa inuu inta kale ka salaamad yeelo isgana soo hadeeyo.

AAMIIN       AAMIIN     AAMIIN

                                                                                                          W/Q: JIBRIL JIRDE ABDI

                                                                                                            JIRDE40@GMAIL.COM

                                                                                            

KULIYADA SHARCIGA JAMACADA HARGEYSA