Murashax Jamal Ali Husein iyo kuxigenkiisa ayaa madal ilyartu is qabatay Dhaliilo badan huwiyey Xukumadda kuna tilmaamay Xukuumad shacabka isku Diraysa.

0
Friday February 07, 2014 - 11:42:26 in by Super Admin
  • Visits: 1563
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashax Jamal Ali Husein iyo kuxigenkiisa ayaa madal ilyartu is qabatay Dhaliilo badan huwiyey Xukumadda kuna tilmaamay Xukuumad shacabka isku Diraysa.

    Weftigi uu hogaaminayey Aqoonyahan Jamaal Ali husein iyo kuxigeenkiisu Cabdirashid Xasan Mataan oo ay xubno ka ahaayeen Xogahayaha Arrimaha Debedda, Xogyaha Arrimaha Bulshada, Guddomiyaha Garabka Dhalinyarada iyo Saraakiil kale ayaa saaka munasibadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigi uu hogaaminayey Aqoonyahan Jamaal Ali husein iyo kuxigeenkiisu Cabdirashid Xasan Mataan oo ay xubno ka ahaayeen Xogahayaha Arrimaha Debedda, Xogyaha Arrimaha Bulshada, Guddomiyaha Garabka Dhalinyarada iyo Saraakiil kale ayaa saaka munasibadd ballaadhan oo lagu qabtay Hotel Cigaal ee magaalada Burco kula hadlay Taagerayaashooda Goblka Togdheer.

Murashax Jamal Ali Husein iyo kuxigenkiisa ayaa madal ilyartu is qabatay Dhaliilo badan huwiyey Xukumadda kuna tilmaamay Xukuumad shacabka isku Diraysa.

Weftigi uu hogaaminayey Aqoonyahan Jamaal Ali husein iyo kuxigeenkiisu Cabdirashid Xasan Mataan oo ay xubno ka ahaayeen Xogahayaha Arrimaha Debedda, Xogyaha Arrimaha Bulshada, Guddomiyaha Garabka Dhalinyarada iyo Saraakiil kale ayaa saaka munasibadd ballaadhan oo lagu qabtay Hotel Cigaal ee magaalada Burco kula hadlay Taagerayaashooda Goblka Togdheer.

Munasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen kumannaan Taageeryaasha xisbiga UCID ee burco ahi ayay ka hadleen Cuqaal, Salaadiin, Aqoonyahano, Qurbajoog, Haween iyo Dhalinyaro, waxayna halkaas ka dhaleeceyeen Tallaabadii xukumaddu ay la doonaysay Weftiga Murashax jamal ali husein ee fashilantay, waxayna xukuumadda ugu baaqeen in ay iska ilaaliso wixii Nabadgelyada iyo wada noolaanshaha wax u dhimaya,Bulshada Gobolkana aanay shaki kala gelin.

Sidoo kale waxay Madax dhaqameedka iyo aqoonyahankani ku baaqeen in xisbiga Ucid loo tixgeliyo Kaalinta uu siyaasada qaranka ku leeyahay ee mucaaridnimo, lagana daayo bah dilaada iyo in kolba isbaaro loo dhigto marka ay u safrayaan Gobolada Dalka, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii hore ay xukumaddu ugu samaysay xisbiga Murashax Jamal Ali Husein wakhti uu ku socday Magaalada Gebiley, Maantana ay ku fashilmeen inay tallaabadii hore oo kale ku fuliyaan, taasna ay keentay Rabitaanka Shacabka Gobolka Togdheer.

Masuliyiinta Heer Gobol ee xisbiga UCID ayaa iyaguna halkaasi ka so jeediyey hadalo u badnaa soo dhoweyn iyo cambaarayn falalka lagu bahdilayo xisbiyada Mucaaridka ah iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Waxa iyaguna halkaas khudbado Duur xul iyo Dhaliilo isugu jirey ka soo jeediyey ahaayeen Xogahayaha Arrimaha Debedda ee xisbiga UCID, Xogyaha Arrimaha Bulshada, iyo Guddomiyaha Garabka Dhalinyarada, waxayna xukuumadda u soo jeediyeen inay muddada kooban ee uhadhay ku diyaariyaan Doorasho xor ah oo dadku ku doorto cid si caddaalad ah ugu shaqaysa, iyagoo sidoo kale cambaareyey Telefishanka Qaranka oo ay sheegeen in habeen iyo maalin laga sii daayo cajalado lagu aflagaadaynayo Madaxda Mucaaridka, waxayna u digeen rag hore xisbiga uga tirsanaa oo bay yidhaahdeen la dejiyey Hotel safari oo ay xukummaddu maalin walba ku kelifayso aflagaadada xisbigi ay shalay ka tirsanaayeen.

Aqoonyahan Jamaal Ali husein iyo kuxigeenkiisu Cabdirashid Xasan Mataan oo munasibadda soo xidhay ayaa halkaas ka soo jeediyey Dhaliilo badan oo xukuumadda kulmiye leedahay, iyo ficilo aad u xun oo ay gku kacdo had iyo jeer, waxayna Taagerayaashooda u soo jeediyeen inay midnimadooda ilaaliyaan, isla markaasna ka feejignaadaan Dabinada xukuumadda.

Waxay sheegeen inay shaqooyin wanaagsan oo lacag badan uga yimaadeen Badbaadinta qaranka Somaliland, isla markaasna aanay Dalka u soo shaqo tegin balse u shaqaynayaan, haddii la doortona si Daacad ah oo caddaalad leh ugu shaqayn doonaan.

Gebogabadii Murashaxiinta Madaxtinimada ee xisbiga UCID ayaa maalmaha ay joogaan kulamo la yeelan doona Garabyada xisbiga iyo guud ahaan bahweynta xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer oo ay sheegeen inay isu hiloobeen.

 

 


Afkashacab.com
Burco / Office