SIDEED JECESHAHAY IN LAGUULA DHAQMO?

0
Monday March 02, 2015 - 16:11:04 in by salman abdi
  • Visits: 1663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDEED JECESHAHAY IN LAGUULA DHAQMO?

    Sidaynu wada ogsoonahay qof wal oo inaga mid ahi waxaa u jecel yahay in loola dhaqmo si wanaagsan isla markaana uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu wada ogsoonahay qof wal oo inaga mid ahi waxaa u jecel yahay in loola dhaqmo si wanaagsan isla markaana uu

ahaado mid ay dadku wada jecel yihiin oo lawada raali gasho isla markaana aanu haba yaraatee wax dhib ah ama deel qaaf ah kala kulmin farxadna uu ku noolaado markasta.

Hadaba si aad taasi u xaqiijiso waxaa lagaaga baahan yahay inaad ku sifowdo arrimahan soo socda isla markaana markastab lagaa helo oo aad ilaaliso ama aad xafido hadaad qodobadan guntato oo aad ku dhaqantana waxaa hubaal ah inaad noqon doonto mid dadka dhex diisa laga jecel yahay oo farxad ku noolaada.

Qodobadan oo fara badan waxaan kasoo qaadan doonaa kuwa aan is leeyahay waa kuwa ugu macaan in la hirgasho oo lagu dhaqmo waana kuwan ee iga hanti walaal iskuna day inaad iska baadh baadho.

vMarkaad dadka ama qofka la kulanto waa inaad salaantaa waliba salaanta islaamka waayo salaantu waxay qaboojisaa quluubtaada iyo quluubta qofka aad salaamahaysid waayo waa duco aad qofka kana ad u ducaynayso oo aad dhahayso nabad galyo iyo naxariista ilahay kor kaaga ha ahaato waa qaali inaad sidan fashaa walaal ha ilaabin,salaantu waxay ka mid tahay waxyaabaha janada rabi lagu kasbado.

vWaxaad ogaataa in dhola cadaynta aad qofkan walaal kaa ah ku qaabishaa ay tahay raadka ugu weyn ee lagu sameeyo qof qalbigiisa markaa waxaa lagaaga baahan yahay inaad markaad qof ka qaabilayso amaba aad lahad layso aad dhoola cadayso adoo qofka ihtimaamka siinahaya oo aan wajiga ka xidhanahayn hadaad sidan yeesho qofkani waxaa uu dareemayaa inaad tix galinayso waligiisna ku ilaabi mahayo.

vWalaal dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo, waayo aduu waxaad jeceshahay in lagu raali gasho oo si wacan oo wanaagsan laguula dhaqmo sidaa wacan eed jeceshahay in laguula dhaqmo adna dadka ula dhaqan.

vBulshada aad la dhaqan tahay ama qofka aad la nooshahay ama cida jiiraankaga ah kala qayb qaado farxadooda adoo tix galinaaya halkaa waxaad ka fahmaysaa xadiiskii NABIGA NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAADEE uu yidhi muslimiintu waa sida jidh kaliya jidhkana hadii meel kamid ahi ku xanuunto intiisa kalena way ku xanuunahaysaa, sidaa awgeed waxaad ogaataa in farxadoodu tahay farxadaada dhibkooduna yahay dhibkaaga.

vWaxaa kale oo iyana muhiim ah inaad ku dadaasho waxa loo yaqaano cafiska oo laga wado inaad had iyo goor ahaato mid dadka iska dhaafa oo iska saamaxa gafka ay kugu sameeyaan kana aar gudan taasina waa qodob aad u muhiim ah sidaa awgeed waa inaad ku dadaashaa walaal.

vQodobkana waxaa uu ku leeyahay waa inaad hadiyad siisaa hadaad awoodo waayo hadiyadu waxay raadaysaa quluubta bani aadamka oo waa kii NABIGU LAHAA NAXARIIS IYO NABAD GALYO KORKIISA HA AHAATEE, wax isku hadiyadeeya waad is jeclaanaysaane, tana ha moogaan waa muhiime runtii waa lagama maarmaan inaan sidan yeelaa.

vQodobkan ugu danbeeyaa waxaa uu ku leeyahay u naseexee walaalkaa hadaad xumaan ku aragto hana ku fadeexadaynin waliba adoo meel gooniya wax ugu sheegaaya waayo inaad qofka ugu nasteexayso dadka hortiisa waa fadeexad.

Waxaan maqaalkeena maanta ku soo afmeeraynaa walaal dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo.



W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

EMAIL: jamaalsuxufi@hotmail.com