Dadweynaha Reer Gabiley ayaa soo dhaweeyay iscasilaada uu Wasiirkii Warshadaha Somaliland

0
Tuesday March 03, 2015 - 22:21:20 in by Burco Office
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweynaha Reer Gabiley ayaa soo dhaweeyay iscasilaada uu Wasiirkii Warshadaha Somaliland

    Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley ayaa soo dhaweeyay iscasilaada uu Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur(Abiib Timacade) iskaga casilay Xilka Wasaaradaasi,isagoo Abiib Diiriye Nuur ku macneeyay in iscasilaadiisa ay sabab u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley ayaa soo dhaweeyay iscasilaada uu Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur(Abiib Timacade) iskaga casilay Xilka Wasaaradaasi,isagoo Abiib Diiriye Nuur ku macneeyay in iscasilaadiisa ay sabab u tahay kadib markii taladii lala yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.


Dadweynaha Reer Gabiley oo lasoo xidhiidhay Shabakada Wararka hadhwanaagnews ayaa, sheegay in ay munaasib ku tahay iscasilaada Wasiirku go,aanka kaga qaatey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyagoo xusey in aanay aheyn markii u horeysay ee Abiib Diiriye Nuur iska casilo xukuumad uu katirsan yahay haseyeeshee, ay noqoneyso Xukuumadii labaad ee nooceeda ah islamarkaana, aanay taasi mudo kasii dambeynin balse tahay xukuumad xidigeedii dhacay.
"Abiib Diiriye waa ruugcadaa Afar Xukuumadood kasoo noqdey Wasiir waa mid lagu yaqaan oo wuu u xidigiyaa Xukuumadaha markuu eego in Xukuumadaa taladeedu jar ka laalaado ayuu iska casilaa ninka booskiisa lagu badelona waa lagu yaqaan inuu tasii dhaceysa xiligeeda yimaado"Sidaa waxa yidhi Maxamed Muxumed Nuur(Laanloobar).
Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa"Xukuumadaa Siilaanyo waxa ka tagay maanta Deyr adag oo iskaga dhigi jirey madfac kasta iyo gantaal kasta oo ku socda waana Samaale Madaxweynuhu ka xilka haya oo kaliya ma aha ee waxa soo raaca ninka sida Samaale ahaa anuu u maleyn maayo in kuwa ku hadhey intii uu dhabarka u dhigi jirey in ay awoodi karaan gaar ahaana Wasiirada Beesha Sacad Muuse kaga hadhey Xukuumadan"Ayuu yidhi Laanloobar

Abiib Diiriye Nuur ayaa kamid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley kana tirsanaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,iyadoo iscasilaadiisa maanta siweyn looga dareemay Gobolka Gabiley oo uu saamayn badan kulahaa.
contact@afkashacabka.com