Hambalyo Go'aanka Geesinimada Leh Ee Somaliland Ka Qaadatay Wadahadalka Somalia.

0
Wednesday March 04, 2015 - 08:27:25 in by salman abdi
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Go'aanka Geesinimada Leh Ee Somaliland Ka Qaadatay Wadahadalka Somalia.

    Calooshooda u shaqaystayaasha aan muraadka ka lahayn aayaha iyo qaranimada Somaliland ee deegaan ahaana ka soo jeeda Somaliland, waa in aanay wada hadalka Somaliland iyo Somalia aanay cag soo dhigin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Calooshooda u shaqaystayaasha aan muraadka ka lahayn aayaha iyo qaranimada Somaliland ee deegaan ahaana ka soo jeeda Somaliland, waa in aanay wada hadalka Somaliland iyo Somalia aanay cag soo dhigin

Bismilaah; marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland, intaas ka dib waxaan hambalyaynayaa go’aanka ay qaateen gudida wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee ku salaysan inaan Somaliland la gar naqsan doonin xubno calooshooda u shaqaystayaal ah oo reer Somaliland ah oo Somalia wadato.

Calooshooda u shaqaystayaasha aan muraadka ka lahayn aayaha iyo qaranimada Somaliland ee deegaan ahaana ka soo jeeda Somaliland, waa in aanay wada hadalka Somaliland iyo Somalia aanay cag soo dhigin hadii ay soo dhigaana waa in aan wax wada xaajooda lala yeelan, waayo masiisaanka ay leeyihiin oo aad u yar awgood iyo iagoon cidnaba metelin Somalia iyo Somaliland toona, waayo dadkasi waa dad uun ka fekeraya sidii ay ku heli lahaayeen waxay cuni lahaayeen uun ooo kaliya ee aan laakin lahayn wax mawqif siyaasadeed ah.

 

Taas waxa kuu cadaynaysa markay ku hungoobaan arimaha Somalia ayaa yagoo aad qaxoonti moodo ay ka soo baryootamayan dalalka jaarka ah oo ay leeyihiin dawlada iyo dadka Somaliland hana cafiyaan, yadoo ay waliba hor kacayaan asal ahaaan cidii ay ka soo jeedeen. Taasina waa nasiib darro wayn in maanta ka diidan Somaliland birina lagu doodo waa nin reer hebel ah oo yaa u didi kara Somaliland.

Waxaan u soo jeedinayaa dhamanba bulsho waynta Somaliland inay meel uga soowada jeedsato arimaha qadiyada gooni isutaaga Somaliland, oo geed dheer iyo geed gabanba loo wad fuuli sidii looga dhabayn lahaa qadiyada madaxbanaanida Somaliland. Yadoo wixii Somaliland caqabad ku ahna meel looga soo wada jeesanayo yadoo aan loo eegayn reer hebel nimo e loo eego reer Somaliland nimo.

Runtii bur-burkaa ku yimi shirkaas ka socday Turkey-gu waa guul u soo hoyatay Somaliland, sababtoo ah mawqifka Somaliland inaanu ka noqosho lahayn ayay cadaynaysaa oo aanay Somaliland meesha u iman inay majara habaabiso qadiyada Somaliland tahayna go’aan shacbiyadeed, taasina ay adagtahay in go’aano jilicsan laga qaato arimaha masiirka umadda.

 

 

Anigu waxaban ku talin lahaa in gabi ahaanba Somaliland joojiso wada hadalka ay la leedahay Somalia ilaa iyo inta ay dhaqan galayaan wixii hore ee lagu heshiiyay ee shirarkiihore. Marka ku waasi hir galaana meesha laga saaro dhamaanba calooshooda u shaqaystayaasha aan dhinacna danta ka lahayn ee Somaliland lagu soo hogaaminayo.

Gooni isu taaga Somaliland waa mid ku yimid go’aan shacbi. Yadoo dawlada ka duulaysa go’aan kaas shacbiga ayay gabi ahaanba joojisay inay la kulanto ergoooyinka Somalia u temelaya shirka, kuwaas oo aan ahayn dadkii ku haboonaa wada hadalka.





 

 

Allaa Mahad Leh



Waaad Mahadsantihiin

By: Mohamed Hamud Ali

Burco – Somaliland

Hamudson@Gmail.Com