U hiili Afkaaga Hooyo Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

0
Wednesday March 04, 2015 - 08:51:47 in by salman abdi
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    U hiili Afkaaga Hooyo Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

    waxaynu ka hadlaynaa waa afkaaga hooyo ama afka soomaaliga oo ah luuqada la inagu dhalay dhamaanteen, marka aynu nahay dad soomaaliya horta asal ahaan waxaynu iska leenahay oo ayna cidna inagu haysan afka soomaaliga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaynu ka hadlaynaa waa afkaaga hooyo ama afka soomaaliga oo ah luuqada la inagu dhalay dhamaanteen, marka aynu nahay dad soomaaliya horta asal ahaan waxaynu iska leenahay oo ayna cidna inagu haysan afka soomaaliga,

laakiin waxaad moodaa sanadihii u dambeeyay in laga tagay, Afkii oo la galay luuqado kale oo ay leeyihiin dad kale iyo dal kale,bal arag dhalinyaradeenii inta u badan waxaad moodaa dad aan ahayn soomaali,waxay ku lumeen oo xadkii ka saaray  luuqado ajaanib ah,marka aad tahay qof soomaaliya  maaha inaad iska dhigto wax aanad ahayn,waxaa lagaa rabaa inaad ku faanto afkaaga iyo luuqadaada,maxaa inoo diiday in aynu caalamka kaga hadalno Afka soomaaliga?maxaa inoo diiday in aynu dadka ugu faano luuqadeena?waa maxay sababta kaliftay carruurteenu marka ay tagaan,dibadaha in ay illaawaan afkoogii Hooyo?taas waxaynu odhan karnaa dhibku ubadka maaha ee waa waalidka,waayo ilmihi markuu yar yahay hadaan lagu ababin waxa uu dhaqan u leeyahay iyo waxa laga rabo in uu ku dhaqmo,kaliya wuxuu raacayaa waxaa uu ku dhex dhaqmo,waxaa jirta odhaah ay tidhaahdo soomaalideenu,waxayna tahay alifkaad ka boodaa albaqruu kugu dhibaa,taasna macnaheedu wuxuu yahay  aqalka hadaana seeska loo adkeyn, ma noqonaayo guri dhismihiisu sareeyo balse waxaa laga yaabaa in uu kugu soo dumo,ujeedada aynu uga soconaa waxay tahay,carruurtu marka ay yar yar yihiin hala baro luuqada ay u dhasheen,waliba ha loo raaciyo sidii ay ugu faani lahaayeen afkooga hooyo,taas waa ubadka ku dhasha kuna barbaara wadamada dibadaha,laakiin waxaa isweydiin  mudan,dhalinyaradeenii tahriibtay sanad ka hor ama laba sano ka hor,hadaad maanta istidhaa kula hadal afka soomaaliga,qaar badan oo kamida waxay kugu odhanayaan fadlan ma fahmaayo  waxa aad ka hadlayso ee bal si aan ku fahmo ENGLISH igula hadal,marka aad fahmi waydo qof afkaagii kugula hadlaaya,sideed u fahmaysaa marka uu luuqad kale kugula hadlo,waxaa jira dad badan oo kamida dadka ajaanibka ah,isla markaan bartay afka soomaaliga,waxaa jira dad badan oo kaa badinaaya luuqada soomaaliga,waana dad aan u dhalan oo bartay,waliba ku hadal kaliya maahee waxaa jira qaar buugaag ku qoray iyo qaar  turjumay  buugaag badan oo af soomaaliya,dadka iyagu bartay  afka soomaaliga hadaynu qaar ka mida soo qaadano,waxaynu ka soo qabsan doonaa wiil yar oo dhalinyaro ah,kaas oo u dhashay dalka canada,waxaa la yidhaa Ilyaas walow markii hore la odhan jiray magac kale,wiilkaas dhalinyarada ah wuxuu bartay ku hadalka afka soomaaliga,waliba ku darsoo wuxuu  bartay in uu waxna ku qori karo waxna ku akhriyi karo afka soomaaliga,ilyaas wuxuu sheegay in uu marka uu arko qof soomaaliya in uu jecel yahay in uu kula hadlo afka soomaaliga,balse wuxuu sheegay in soomaalida ay isku meel dagan yihiin ay neceb yihiin in ay ku hadlaan afka soomaaliga,isagoo ka hadlaayna wuxuu yidhi,"Halkan waxaa dagan soomaali badan lakiin kuma hadlaan luuqadooda waayo marka aad la hadasho gabadh soomaaliyeed ee aad kula hadasho afka soomaaliga waxay kugujawaabaysaa what is somali"?hadaba marka ay halkaa marayaan dadkeenii xagaynu kaga tagaynaa,afkeenii soomaaliga maxaa u dambeeya jiilka soo koraaya,ma sidan ayay ku barbaari doonaan,maalin dhaw waxaynu arki doonaa afkii oo  la badalay iyo cid aan aqoon Afsoomaali,marka Ilyaas oo la hadlaaya dadka illaaway luuqadoodii wuxuu yidhi,"soomaalida aduunka kala joogta ayaan la hadlayaa waxaanan leeyahay luuqada ha illaabina ayaydiin cunee",hadaba maaha in aynu leenahay luuqadaha ajaaibka ha ku hadlina,balse ujeedada aynu ka leenahay waxa weeye adiga oo yaqaan 10luuqadood oo ajaanib ah,hadana ilaali oo ha illoobin afkaga hooyo,kaas wax kuu dhaama ma leh waayo waa lama huraan,lama huraan waa cows jiilaal ayaa la yidhaah,hadaba ku dadaal sidii aad uga qeyb qaadan lahayd,daber goynta lagu hayo afkaaga  hooyo una hiili oo wehel u noqo luuqadaada,



 

Nimco Baashe Cabdi

Caashaqa555@hotmail.com