KURSIGA LOO DUDAYO IYO QARANKA HALKUU HIGSANAYO BY: FUTURE PRESIDENT. MOHAMED OSMAN HAJI

0
Wednesday March 04, 2015 - 09:37:37 in by salman abdi
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KURSIGA LOO DUDAYO IYO QARANKA HALKUU HIGSANAYO BY: FUTURE PRESIDENT. MOHAMED OSMAN HAJI

    Sidaynu ka warhayno waxaa beryahaa soo baxayay is casilaad is daba joogta ah oo ay is casilayeen wasiiro ka tirsan xukuumada silanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu ka warhayno waxaa beryahaa soo baxayay is casilaad is daba joogta ah oo ay is casilayeen wasiiro ka tirsan xukuumada silanyo.

Hadaba markaynu si duudmar ah uga hadalno isku shaandayntii uu madaxwayne silanyo ku sameyay wasiiradiisa qaar kamid ah waxaa ka biya diiday wasiir kamid ah wasiirada ugu tunka wayn xukuumada silanyo oo hankiisuna ahaa inuu dalka madaxwayne ka noqdo waqtiyada so socda.

Hadaynu falanqayno ninka doonaya inuu noqdo madaxwaynaha soo socda markuu madaxwayne silanyo haakah yiraahdo oo magaciisu yahay cabdicasiis maxamed samaale oo ah wasiir misaan culus ku laha xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne silanyo ayaad modaa inuu baal maray wadadii ugu wacnayd ee uu ku noqon lahaa madaxwayne,

Maalma dhawayd wasir samale waxuu booqday goobaha waxbarashada ee gobolka togdher arday farabadan oo dhigata iskuuladka uu booqday ayaa qaarkamid ah ardayda iskuulada uu booqanayaywaxay kusalameen wasiirkenii waxbarashadow soo dhawoow waxuuna u shegay inuusan ahayn wasiirka waxbarashada uu yahay wasiirka lacagta waa siduu hadalka u dhigaye, shacab farabadan ayaa u qaatay markay wareegtada maqleen in hore loogu sheegay inuu noqon doono wasiirka waxbarashada mr samaale hase ahatee uu si cadho leh uga biya diiday wasiirka loo magacaabay ee ka mid h wasiirada A.

Hadaba wasiir samaale oo historigus yahay heer wadaad, gudoomiye ku xigeenka barlamaanka ilaa wasiirka lacagtaoo aanu jeclayn inuu nosii noqdo wasiirka waxbarashada si uu halkaasi uga sii muujiyo waxqabad farabadan oo ay shacabka ku xusaan ayaa u arkay in waxbarashada iyo u adeegista bulshada aysan ahayn mid dantiisa ku jirta.

Kuraasta loo dudayaa kuma jirto danta qaranka, danta qaranka waxay ku jirtaa in bulshada loo adeego kursigii laguu dhibana ay muhiim u tahay shacabkan danyarta ah inaad ugu adeegto. Kursigu ma ahan mid dantaada oo qura ku jirta ee waa kursi loogu talagalay in shacabka loogu adeego.

Shacabka jamhuuriyada Somaliland waxay higsanayaan siday kusii xoojin lahayeen horumarkooda, midnimadooda iyo nabadgalyadooda maanta ma ahayn nin mas’uul ah oo higsanaya inuu noqdo heer madaxwayne in danta qaranka uu ka qashiimo shacabkana ka madaxwayne mustaqbal ahaan wan ka tacsiyadaynayaa falkaa foosha xun ee uu ku dhaqaaqay wasiirkena waxbarashada mr samaale.

Anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan ku boorinayaa madaxwaynaha Somaliland in waxbadan oo dhaliila ah oo jira inay xagiisa ka yimaadeen, hadaynu soo qadano hadal uu shegay boqor buurmadow waxa kazoo baxa madaxtooyada ee sir ah cida banaanka keentaa waa wasirada maantana waxaynu aragnaa wasiiradii inay og yihin cida ka danbaysaa xil ka qaadistiisa kadibna ay si cadho leh uga jawabaan

Waa in qaranka si wacan loogu adegaa .


BY: FUTURE PRESIDENT. MOHAMED OSMAN HAJI

BURCO SOMALILAND