QADAR DHACAY. GABAY CUSUB OO KA HADLAYA BURBURKII WADAHADALKA SOMALILAND IYO SOMALIA

0
Sunday March 08, 2015 - 07:52:31 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QADAR DHACAY. GABAY CUSUB OO KA HADLAYA BURBURKII WADAHADALKA SOMALILAND IYO SOMALIA

    Qaramada midooboow hadaan, qodobadii buuxshey Qaynuunka suudaan doraad, kala qiyaameeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada midooboow hadaan, qodobadii buuxshey Qaynuunka suudaan doraad, kala qiyaameeyey

QADAR DHACAY. GABAY CUSUB wana sidan,


Taariikhda noo qorantayee, lagu qasaaroobey

Eey qalindareeyeen hadaan, qeexo midheheeda

Qulub iyo wareerbaad kugeli, qaayis iyo ceebe


Soomaali nimankii qoqobay, qadiyayee boobay

Qorshe xumada maalmuhuna waa, qiiro iyo ciile

Qab markuu qab dhaafaa, dareen qoonsimaad imane



Qarni hore qiyaamooyinkii, qaybxumada keenay
Qaxii dhacay quruumihi madfaca, qorigu naafeeyey
Qaranimadi soomaliweyn qoonti, kala gaadhey



Quraanruugihii diinta iyo, qaadiyada lee,day
Qalalaase iyo boobku dhacay, quusna laga joogo
Qulubka iyo weesaaq labaday, qaalida haweenka



Qabriyada labuuxshiyo dadkii, qaadka lagu laayey
Qalad aan tirsaday oon maraba, qiranin somali
Quluubtaan kasaaraye hadeer, haygu soo qodine



Afartaa qorsheeyeye hadaa, qodob yar raacsiiyo

 

Qadyadeedu somaliland, waa qaraar jireye
Qorshahaa turkigu doonayaan, qaadan kari mayno



Qaramada midooboow hadaan, qodobadii buuxshey

Qaynuunka suudaan doraad, kala qiyaameeyey

Maqabyaaladaasaa sharciga, laygu qolo shegtay



Qowmiyada samaliland waa, mid qiimalehe
Qorshahay dhigteen baa dadkani, qalinku duugeene
Qaadoo dhig kuma soo noqdaan, qaababkii beriye



Quusna waxan ka joogaan markale, qaylo iyo beene

Qaabiilba haabiil markuu, qaanti ka idleeyey

Qalfoofkiisa waatuu sanado, qaatayee sidaye



Hayeeshee waxaydaan qaribin, sooma aan qodine

Qoondeeya soomaaliyeey, qoomamada taala
Inta aan qiyaamuhu sanqadhin, qira xuduudkayga



Qaramada midoobiyo hadaan, qaaradaha eegno
Qolowaliba waxay qaayibeen, qoobad loo xidhaye

 

Nin qurbaan lasiiyaa shirkii, qaawiyoo dilaye



Afartaa qorsheeyeye hadaa, qodob yar raacsiiyo

Qadyadeedu somaliland, waa qaraar jireye
Qorshahaa turkigu doonayaan, qaadan kari mayno



Xasanoow qaloocii dhacaa, nooma qaybsana,e

Qalad gelisey maandhow shirkii, qayla dhaan badane

Markaad qaaqle soo qora tidhaad, qodobki dhaafteene



Runta lagama qoofee haday, kugu qadhaadhaatay

Waxla qariyo qudhunbaa dhex gala, qaabadii shalaye

Quraafaadlayaashii ku yidhi, way qaribayeene



Qurdubaagu waa ceeb inaad, soo qadimataan

Quudutaabac weeyaan ragaa, qarash garayseene

Qorshahaad wadaa waa midaan, qiimo gelahayne



Qoomiyada dunidiyo hadaad, qaaradaha eegto
Qolowaliba waxay leeyihiin, qoobad loo xidhaye

Adigaan qardoofiyo la iman, qalado miisaanle



Inta aad qamaamyada qariban, soo qabqabanaysid

Qalad kuma metelo ruux qawedey, qayski aabihiye

Ninkii xamar qurbaan geeyeyoow, qiimahaa dhimaye



Afartaa qorsheeyeye hadaa, qodob yar raacsiiyo

 

Qadyadeedu somaliland, waa qaraar jireye
Qorshahaa turkigu doonayaan, qaadan kari mayno