Madaxweyne Mudankii Beelaha Saaxil Xaqooddii Ma Arkaaye Maxaa Meesha Kasaaray

0
Saturday March 29, 2014 - 09:09:45 in by Super Admin
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Mudankii Beelaha Saaxil Xaqooddii Ma Arkaaye Maxaa Meesha Kasaaray

    Keli Kuyahay Aniga Iyo Qalinkayga Hadana Waxaan Hubaa oo Aan Shaki Kujirin In Inbadan oo Bulshadda Kamidi Marka Ay Akhristaan Maqaalkan Ay Ila Dareemi Doonaan Dareen Qiirro Leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Keli Kuyahay Aniga Iyo Qalinkayga Hadana Waxaan Hubaa oo Aan Shaki Kujirin In Inbadan oo Bulshadda Kamidi Marka Ay Akhristaan Maqaalkan Ay Ila Dareemi Doonaan Dareen Qiirro Leh Bismilaahi Raxmaani Rixii Inkastoo Laga Yaabo In Dareenka 
Caawa Aniga Isoo Mirkiciyay Uu Wakhtigan Keli Kuyahay 
Aniga Iyo Qalinkayga Hadana Waxaan Hubaa oo Aan Shaki 
Kujirin In Inbadan oo Bulshadda Kamidi Marka Ay Akhristaan 
Maqaalkan Ay Ila Dareemi Doonaan Dareen Qiirro Leh
oo Xusuustiisu Aad Umudantahay Waxan Doonayaa Inaan
Ku Dhawaaddo Muhimadda Maqaalkan Iyo Muunadaiisaba
Hadaba Sidaa Ciwaankaba Ku Arkaysaan Waxan Doonayaa
Inaan Sigaarra U Xasuusiyo M/weynaha Qaranka JSL Mudane
Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Haldoor Fara Badan
oo Ay In Badan Soo Wada Halgameen Maantana Aan Iiga
Muuqan Agtiisa Iyadoon  La Ikiri Karin Guud Ahaan Geesiyaddii
Dhiigoodda U Huray Dib uxorayntii Dalkan JSL oo Ay Dhamaatood
Taariikhda Baal Dahaba Kaga Wada Jiraan Waxan Doonayaa Inaan
Rag Aad uqiimo Badan oo Dalkan Dhinacyo Badan ugu Halgamay
Islamarkaana Kasoo Wadda Jeeda Beesha Mudanka U Ah 
Beelaha G/saaxil Ammaba Beesha Abkor Ciise Hadab Ragaas
Waxa Kamida AHN Mujaahid Xaamud Ibraahin Yaasiin oo Kamid 
Ahaa Mujaahidiintii Magaca Iyo Maamuuskaba Kulahayd Ururkii
Dib Xoraynta Dalkan JSL Kana Mid Ahaa Mujaahidiintii Ay Meel
Ku Wada Shihiideen Mujaahidkii Waynaa AHN ee Maxa.ed Xaashi [lixlle]
Maalintii Burco Duuray Kuna Taariikhaysan Maalinta Shuhaadadda
SNM ee 17/10/1986 Hadaba Mujaahid Xaamud Waxaa Ku Xasuusan 
Kartaan Maansaddii Hadraawi ee Daalalay oo Tuduc Kamidi uu Isaga
Ku Haqabsaday IFKUU XAAMUD DAAREE DAMIN BAAN KU DHAARTEE
Taas oo Uu Uga Jeedday Abwaanku Amma Ku Sheegayay Wacdarihii
Uu Maalintaa Dhigay Mujaahidku Intii Aanu Shihiidin Kahor Waxana
Mujaahidka Lagu Xasuustaa Inuu Maalintaa Ku Dagaalamaayay Qoriga
Baasuukaha Looyaqaano Amma ARBG-ga Amma Sebenka Hadaba Sidaa
Utaqaaniin Isagoo oo Ku Gubay Beebeeyadii Cadawga Xayn Kamidda

Sidoo Kale Waxa Haldoorkaa Isku Ardaaga Ah Kamid Ahaa oo Xusid
Mudan Isaguna AHN Mujahid Haybe Axmed Guure Haybe Laanbad
Islamarkaana Intiina Badani Aad Wada Garanaysaan Soona Wada
Gaadheen AHN Haybe Laanbad Waxa Uu Kamid Ahaa Mujaahidintii
Magaca Wayn Ku Lahayd Halgankii Dib U Xoraynta Dalkan JSL Sida
Lawada Ogyahayna Waxa uu Geeriyooday Dhawaan Isaga Xiligaa 
Ahaa Gudoomiyaha Geeska Afrika ee Ciidamadii Kadagaalamay
Barma Xiligii Dagaalkii 2aad ee Aduunka Hadaba Qalin Kuma Kobi
Karo Taariikhda Ragan Waayo Waxay Ahaayeen Rag Si Miisaanleh
Dunidda Uga Tamariyay Intii Ay Noolayeen Sidaa Daraadeed Waynu
Dulmaraynaa Taariikhdood Mar Hadaynaan Qalin Ku Koobayn

Waxa Sidoo Kale Jira Mujaahidiin Tirro Badan Iyo Haldoor Weli 
Aanu Qalinku Soogaadhin oo Kala Ah Maxa.ud [Wadaad] oo 
Isagu Nool Layguna Sheegay Inuu Jiro Wadamada Carabta
Kana Mid Ahaa Mujaahidiintii Lasocotay AHN Maalintii uu
Shihiiday Mujaahid Haragwaafi Tuulada Awbarkhadle Runtiina
Maalmo Badan Kulahaa Halgankii Dalkan Loosoomaray Xorayntiisa

Sidoo Kale Waxa Aan La Hilmaami Karin Isagan oo Xusid Mudan
Muj C/raxmaan Cawil Xasan Agaasimihii Hore ee W/Kaluumaysiga
oo Sidaan Filaayo Isaguna Hada Hargaysa Ku Sugan Hadaba Waxa
Uu C/raxmaan Kamid Ahaa Sidaan Jecelahay Ragii Ku Dhaawacmay
Goobihii Adkaa Mid Kamid Ahayd Waxana Uu Kudhaawacmay 
Magaalada Loo Yaqaano Cadaadlay oo Runtii Ahayd Goobihii ugu
Adkaa Goobihii Halganka Sidoo Waxana Dhaawacaa Kadib Dhakhtar
Loo Geeyay Wadanka Holland Hadaanan Qaladanayn Waxana uu
Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Sanadihii 2002dii Meelaha Isagoo Kamid
Noqday Xisbiga Talada Haya Imika ee Kulmiye Waxaanu Markii Talada
Kulmiye Ku Guulaystay Loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasarada
Kaluumaysi Iyo Khayraadka Badda Iyadoo Runtii uu Kaga Tegay Raad 
Waxaqabad Markii Uu Xilka Wareejinaayay Aniga Oo Soo Koobaya Sidaan
Horeba Usheegay Hadaan Intaa Kaga Tago Mujaahid C/raxmaan iyo
Guud Ahaanba Mujahidiinti Iyagu Qoriga Iyo Qalinkaba Ku Dagaalamay


Bal Aynu Guntii Iyo Gunadkii Ku Eegno Rag Kale oo Isla Xaafadaas Ah
oo Ay Kamid Yihiin AHN Dr Idiris Cabdi W/Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha
Xiligii Xukumadii Daahir Rayaale Kaahin Iyo Sidoo Kale Isna AHN Oday
Axmed Carab oo Kamid Ahaan Jiray Golaha Guurtida JSL Islamakaana
Ahaa Ragii Nabada Maanta Dhidibadda Utaagay Waxanan Ku Xasuustaa
Axmed Carab Dhamaadkii Sanadii 1992 Maraan Ku Arkay Tuulada Bilcilwayso
Ee Deegaanka Waraabeeye Halkaso oo Uu Hogaaminaayay Odayaal Nabada
Ka Shaqaynaayay Iyadoo Xiligaas Ay Dalka Aafeeyeen Dagaaladii Sukeeye
Waxanan Axmed Carab Ku Xasuustaa Runtii Sama Talis Iyo Inta Nin Qiimo 
Leeyahay Waxa Uu Ahaa Mudakar Codkara Ah oo Beeldaajiye Ah

Waxaan Ugu Dambayntii Maqaalakan Kusoo Afmeeraya Aqoonyahan
Axmed Aw Aadan Wasiiru Dawlihii W/Arimaha Debedda Xiligii Xukumadii
Maxa.ed X Ibraahim Cigaal oo Sida Runtii Ah uu Door Wayn Kaqaatay
Dib Udhiska Hanaanka Dawladnimadda Hadaba Mudane M/wayne 
Beeshaas Aan Kasoo Sheekeeyay Xaqoodii Iiga Muuqdo Xukumadada
Waxa Laga Yaabaa In Dadku Isyidhaahdaan Ama Imoodaan Inaan Aniga
Laftaydu Beeshan Aan Kasoo Jeeddo Macnaha Sidaan Uga Hadlaayo
Xaqooda Waxaan Doonayaa Inaan Cadeeyo Inaan Kamid Ahayn Beeshaa
Aan Kor Ku Xusay Balse Waxa IImuuqatay In Xaqoodii Qaar Aan Meela
Usoomarin Maalina U Haraadin Dalkani Ay Isku Gudbeen Markaa 
M/weyne Reer Saaxi U Xaq Soor Waana Soo Jeedin Runtii Mudan
In Il Cadaaladed Aad Ku eegto

by Sacad Cali Kaahin Plucky
Hargeysa Somaliland
kaahin444@hotmail.com