Wax ka Baro Faaidooyinka Timirta iyo Waxyaabaha ay Daawada u tahay

0
Thursday March 12, 2015 - 08:21:23 in by salman abdi
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 5 3
  • Share via Social Media

    Wax ka Baro Faaidooyinka Timirta iyo Waxyaabaha ay Daawada u tahay

    Geedka barakaysan ee timirta oo ah geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku bixin badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geedka barakaysan ee timirta oo ah geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku bixin badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

 

Timirtu waxa ay leedahay faa’iido badan waxana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa’iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.

 

1) Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka ilaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo waxa ku jira Timirta Maadada Pectin.

 

2) Waxay joojisaa in ay ku dhacdo Xiidmaha Cancer waxayna ka ilaalisaa Xanuunka Baabaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambeeya, waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma

 

3) Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada Fluoride

 

4) Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumawga waayo waxaa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin G.

 

5) Waxay daawaysaa Dhiig la’aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2

 

6) Waxay daawaysaa Jil jileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A

 

7) Waxay daawaysaa Appetite la’aanta Maadada Potassium ka ee ku jirta awgeed.

 

8) Waxay daawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadna xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganicium iyo Copper.

 

9) Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha lagu Beero Timirtu u aqoon Cancer ka.

 

10) Waxa ku jirta Maadada daawaysa Itaal darada xagga Galmada.

 

11) Waxaa ku jirta Maadada Poron oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda.

 

12) Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha Guruxooda waayo waxaa ku jirta Maadada Vitamin A

 

13) Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca dheefshiidka waayo waxaa ku jira Maadada Vitamin B1

 

14) Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection ka Bushmaha, taasi waxaa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.

 

15) Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection ka maqaarka ama jidhka.

 

16) Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.

 

17 ) Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxan laga helaa Vitamin G.

 

Guud ahaan Timirtu waa Cuntooyinka ku Hodonka ah Maadada Mangnesium ka taas oo Jidhka ka ilaalisa Xanuunka Cancer ka, geedka barakaysan ee Timirta lama soo koobi karo faa’iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow daawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxa ay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay in uu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.