Gudoomiyaha Baanka Somaliland Oo Ka Hadlay Baanan Laga Leeyahay Soomaaliya, Inay Ka Hawl Galaan Dalka.

0
Saturday March 14, 2015 - 16:48:45 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baanka Somaliland Oo Ka Hadlay Baanan Laga Leeyahay Soomaaliya, Inay Ka Hawl Galaan Dalka.

    Baanka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhaybaan ka diiwaan gashan Muqdisho oo la yidhaahdo IBS oo sheegay inuu xarun ka furanayo Somaliland, sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baanka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhaybaan ka diiwaan gashan Muqdisho oo la yidhaahdo IBS oo sheegay inuu xarun ka furanayo Somaliland, sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters.


Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo wargeyska dawladda,la hadlay ayaa sheegay inaan wax xidhiidh ahi ka dhexayn "Wax ruqsad ah oo aanu siinay ma jirto baankaa aad sheegayso. Maya wax xidhiidh ahi nama dhex marin ruqsadnanamuu soo waydiisan,”ayuu yidhi Guddoomiye CabdiDirir Cabdi

Baanka ka diiwaangashan Soomaaliya oo sheegtay in uu yahay baan ganacsisaamilay ah oo lagu magacaabo International Bank Of Somalia,ayaa sheegay in ay xarumo ka furanayaan Somaliland isla markaana ay bixin doonaan sheereray kaga qayb galinayaan dadku in ay saami ku yeeshaan baankooga.


Nin lagu magacaabo Xasan Yuusuf oo u waramay wakaalada wararka ee Reuters oo ay ku sheegtay in uu yahay guddoomiyaha Baankaas ayaa sheegay in ay ku tallo jiraan sidii ay xarumo ugu yeelan lahaayeen Somaliland.

Bangiga Somalia ayaa sheegay inuu Muqdisho ka furayo 6 Xarumood, sidoo kalena meelo ka baxsan uu ka furayo Afar Xarumood. afarta Xarumood ayuu sheegay in qaarkood Hargeysa laga furayo, waxaana hawlahaasi la dhamaystiri doonaa dhamaadka 2015-ka.

Afkashaacbka.com