"Doorashadu waa nidaam dalkani qaatay waxaana loo racayaa shuruucda iyo qawaniinta waddanka u yaala, cid wax cusub hore u keentay hadana keenaysa ma jirto "Wasiirka Madaxtooyada

0
Saturday March 14, 2015 - 19:18:15 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Doorashadu waa nidaam dalkani qaatay waxaana loo racayaa shuruucda iyo qawaniinta waddanka u yaala, cid wax cusub hore u keentay hadana keenaysa ma jirto "Wasiirka Madaxtooyada

    Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka jawaabay hadalkii Xisbiyada Mucaaridka oo ka shanaaya Madasha Wada-tashiga ay ku shegeen in aanay dawladda aqoonsan doonin haddii la gaadho 26 bisha June. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka jawaabay hadalkii Xisbiyada Mucaaridka oo ka shanaaya Madasha Wada-tashiga ay ku shegeen in aanay dawladda aqoonsan doonin haddii la gaadho 26 bisha June. Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan oo ka hadlaayay xaflad ay isugu yimadeen Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac ayaa hadalkiisa ku bilaabay.



"Halkaas waxaan ka arkaa saxiibkay Xasan Guure oo hore iigu halqabsaday, maanta ayaan ka jawaabaya waxaan leeyahay, Xasanow waxaynu isku ogayn dadkaas kale haloo galaba gurdeeyo, lakiin in aynu inagii iskula soo noqo maynaan isku ogayn. Hadad tidhaahdeen dawladi jirimayso, waxaan idin leeyahay way jiraysa dawladnimada Somaliland.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi.

"Doorashadu waa nidaam dalkani qaatay waxaana loo racayaa shuruucda iyo qawaniinta waddanka u yaala, cid wax cusub hore u keentay hadana keenaysa ma jirto waxaan markaas odhan laha waar yaynaan inagu isu soo hulaaban oo isku xiijin wax aanay waxba ka biirayn”.contact@afkashacabka.com