"Somaliland Waxaa Soo Maray Madaxweynayaal Badan Silaanyo Uunba Wax Qabad Buuxa Muujiyay Waana Loo Kordhinayaa". Suldaanka Guud Ee Somaliland.

0
Saturday March 14, 2015 - 19:24:34 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Waxaa Soo Maray Madaxweynayaal Badan Silaanyo Uunba Wax Qabad Buuxa Muujiyay Waana Loo Kordhinayaa". Suldaanka Guud Ee Somaliland.

    Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in Madaxweyne Silaanyo kaga duwanyahay dhammaan Madaxweynayashii dalka soo maray waxqbadka ballaadhan ee uu dalka ka hirgaliyay, sidoo kale wuxuu Suldaanku sheegay in nin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in Madaxweyne Silaanyo kaga duwanyahay dhammaan Madaxweynayashii dalka soo maray waxqbadka ballaadhan ee uu dalka ka hirgaliyay, sidoo kale wuxuu Suldaanku sheegay in nin diidan iyo mid ogolba aanu dalku dawlad la'aan galayn oo loo kordhinaayo Madaxweynaha haddii doorashada laga gaadhsiin waayo. Suldaanka oo arrintaas ka hadlaaya ayaa yidhi

.


"Dalku wuxu ka soo gudbay maraxil kala duwan, waxaana soo maray Madaxweynayaal dhawr ah, Axmed Silaanyo mooyiye mid wax qabad intaas leeg muujiyay muu jirin, waxaan markaas leeyahay ku celintu dhibaato maleh lakiin sixun wax u sheega tashuushka la wareegaya ayaa dhibta wada. Dalkani dawlad la’aan gali maayo, falaastu waxay ka koobantahay laba quraaradood oo lays galiyay, haddii la kala saaro waxba laguma shuban karo, dawladnimaduna waa sidaa oo kale. Haddii wakhtigu saamixi waayo oo doorasho laga gaadhsiin waayo, nin diidan iyo mid jecelba waa loo kordhinaya dawladda annaga leh kii ka soo horjeedow dee waa inoo markaas annagaa ku arkayne”.

Hadalka Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa u muuqday inuu kaga jawabaayay weedhihii Isbahaysiga Mucaaridku shaciyeen in aan wixii ka danbeeyay 26 June, sannadkan aanay aqoon sanayn Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo.


Contact@afkashacabka.com